Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 17ka April 2018. Waxaa xarunta gobolke shabeele ee magaalada godey kaqabsoomay Tababar uu soo agaasimay Geedi-socodka Horumarinta Dugsiyada ee Xafiiska Waxbarashada DDSI islamarkaana ujeedadiisu tahay nidaamka iyo horumarinta diyaarinta qorshaha dugsiyada iyo waliba isticmaalka kaash buuga oo ah nidaamaka maamulka hantida (iskuul-gaarantiga)
Tababarkan, ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulayaasha iyo kormeerayaasha Clustarada ee kahawlgala dugsiya hoosyimaada degmooyinka gobolka shabeele, qoraxey iyo afdheer.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa kawarbixiyay Agaasinka Geedisocodka Horumarinta Dugsiyada Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Xuseen Maxamuud Daahir oo sheegay in tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo islamarkaana lagu dardargalinayo barnaamijyada lagu horumarinayo dugsiyada deegaanka. Wuxuuna intaas kudaray in tababarkani uu yahay mid lagu kobcinayo garaadka aqoomeed ee maamulayaasha iyo kormeerayaasha dugsiyada hoosyimaada gobolada shabeele, qoraxey iyo afdheer. Wuxuuna tilmaamay in tababarkani yahay mid diirada saaraya qorsha diyaarinta dugsiyada iyo waliba niddmyada isticmaalka iyo maamulida hantida iskuul gaarantiiga.
Sidookale, khabiir katirsan waaxda horumarinta dugsiyada ahna madaxa kooxda tababarka fulinaysa Mudane Maxamuud Xasan oo isna dhankiisa ka warbixyay tababarkan ayaa sheegay in tababarkani yahay mid ay kasooqayb galeen maamulayaasha iyo kormeerayaasha clustarada dugsiyada ee hoosyimaada gobolada shabeele, qoraxay iyo afdheer. Wuxuuna xusay in tababarkan lagu bixinayo casharo laxidhiidha horumarinta dugsiyada oo ay kamid yihiin diyaarinta qorshayaasha fog iyo kuwa dhaw oo ah qorshayaal 3 sano, 1 sano, 6bilood iyo wlaiba qorshayaal 7aad le ah isugu jira. Islamarkaana ay uga dhaqan galin lahaayeen clustarada ay kahawlagalaan.
Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa markii uu soo dhamaado waxaa laga filayaa in kaqaybgalayaashu ay kadhaxlaan cilmi iyo aqoon islamarkaana usalhli doona in ay si toosa uga dhaqan galiyaan dugsiyadii ay kakala yimaadeen.