Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Ergooyinkii Deegaanka Soomaalida Kasocday Oo Sii-socod Iyo Soo-socodba Sidiiran Loo soo dhaweeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 17ka April 2018. Todobadii boqol ee soomaalida ahayd ee kaqaybgalaysay shirwaynihii wadatashiga xukuumada federalka ah iyo shacabwaynaha qoomiyadaha kaladuwan ee  dalka oo ay kaqaybgashay  in kabadan  25 kun oo qof ayaa intii udhaxaysay jigjiga ilaa addis-ababa iyo addis-ababa ilaa jigjiga sii-socod iyo soo-socodba ayaa waxaa ergooyinkan soomaalida ah  lagu soo dhawaynayay caleemo qoyan, sacab iyo mashxarad taasoo muujinaysay wanaaga iyo jecaylka ay  dadka oromada ah u hayaan soomaalida iyo inuu naxligii baxay islamarkaana cadayn u ah inuu hirgalay go’aankii raisal-wasaaraha iyo mas’uuliyiinta labada deegaan ay kugaadheen xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Waxaana xusid mudan in ergooyinkan intii ay dhexda siisocdeen ay u istaagayeen shacabka walaalahood ah ee soo dhawaynayay islamarkaana ay aad ugu faraxsanaayeen iyagoo tixgalinaya farxad iyo jecaylna umuujinayay shacabka walaalahood ah ee soo dhawaynayay.

Hadaba, mar aan wax kawaydiinay arintan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wuxuu noo sheegay inay labada shacab ee soomaalida iyo oromadu yihiin dad walaalo ah oo ul iyo diirkeed ah xidhiidh soo jireen ah oo fac kafac ahna wadaaga islamarkaana aysan meela kukala maarmin, meel ay kukalatagaana aysan jirin. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray, inuu dhamaaday khilaafkii labada shacab soo dhexmaray islamarkaana uu hirgalay go'aankii iyo balanqaadkii adkaa ee ay mas'uuliyiinta labada shacab kugaadheen xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen raisal wasaaraha dalka Dr. Abiyi Ahmed, raisal wasaare kuxigeenka mudane Demeqe Mokenin iyo mas'uuliyiinta sare ee heer federal. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay inuu aad ugu faraxsan yahay ugana mahadcelinayo soo dhawaynta wanaagsan ee hogaaminta iyo shacabka oromadu ay usameeyeen ergooyinkii soomaalida ahaa ee kaqaybgalayay shirwaynihii wadatashiga xukuumada dhexe iyo shacabwaynaha dalka ee kadhacay magaalada addisababa.

Ugudanbayna, todobadii boqol ee ergooyinka soomaalida ah ee kaqaybgalay shirwaynihii wadatashiga xukuumada federalka ah iyo shacabwaynaha qoomiyadaha kaladuwan ee  dalka ayaa soo gaadhay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>