Addis-ababa(Cakaaranews) Talaado 17ka April 2018. Madaxwaynaha deegaanka oromada mudane Lemma Megersa ayaa kal-fadhigii Golaha xildhibaanada ee deegaanka oromada(chafe) ay yeesheen ku aas-aasay gudiga dib u dajinta barakacayaasha soomaalida ee kabarakacay deegaanka oromada. gudigan oo isugu jira mas’uuliyiin sare oo wasiiro iyo xildhibaano ah ayaa lafilayaa inay dhawaan soo gaadhaan deegaanka soomaalida si ay waajibaadkoodii shaqo ugutaan islamarkaana ay dib ugu celiyaan barakacayaashii soomaalida ahaa ee deegaanka oromada kasoo barakacay.
Waxayna talaabadani cadaynaysaa fulinta go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay madaxwayne Lemma Megersa islamarkaana ay xisbigiisa iyo xukumadiisuba hirgaliyaan.
Dhanka kale, waxaa xusid mudan in xukuumada DDSI ay go’aankan mid lamid ah horay uqaadatay islamarkaana ay dhaqangalisay iyadoo arintaasi suurtagalisay inay dad badan oo oroma ah oo kabarakacay deegaanka soomaalida ay dib ugu soo laabteen wakhti xaadirkana ay kusugan yihiin deegaanka shaqooyinkoodii caadiga ahaana ay kuhawlan yihiin. Waxayna xukuumada deegaanka soomaalida oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ay soo dhaweeyeen hirgalinta go’aanka ay qaadatay xukuumada deegaanka oromada oo uu ugu horeeyo madaxwayne Lemma.
Hadaba arintan kadhacday degmada mooyaale ayaa ah mid iskacad inaysan ka imanin labada shacab ee oromada iyo soomaalida ee qarniyada iyo ab ka ab’ba nabada kuwada noolaa iskana xiga dadyawga kale balse ay tahay mid ay kadanbeeyaan shaqsiyaad dano gaar ah wata oo raba inay carqalad kadhex abuuraan islamarkaana kaxun isjacaylka iyo nabad kuwada noolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah iyo inay jabiyaan go’aamadii adkaa ee xalka waara ay kugaadheen hogaaminta labada dawlad deegaan.