Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wasiirka Qurba Joogta DDSI Oo U Mahad-Celiyay Qurba Joogta DDSI.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 10ka, April 10,, 2018. Lataliyaha madaxwaynaha DDSI ee dhinaca xalinta cabashooyinka DDSI ahna wasiirka qurba joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa si mug leh ugu mahad celiyay guud ahaanba qurba joogta DDSI meelkasta oo ay joogaan dadaalada balaadhan ee ay markasta la garab joogaan xukuumada DDSI iyo XDSHSI.

wasiirka ayaa sheegay in qurba joogta ku dhaqan dacalada aduunka  ee ka  soo jeeda deegaanka soomalida itoobiya ay siwayn u xuseen sanad guurada 20aad ee aas aaskii XDSHSI  kuwaasi oo xaflado balaadhan oo ay ugu dabaal dagayaan munaasabadaasi ku qabtay wadamada ay joogaan islamarkaana muujiyeen jacaylka iyo taageerada ay u hayaan waxqabadka xisbiga  wasiirka ayaa sheegay in ay qurba joogu  sameeyeen balanqaadyo ay ku taageerayaan XDSHSI waxqabkiisa dhinacyada badan leh sida guulaha uu ka soo hooyay xisbigu  horumarka aas aasiga ah, waxbarashada  caafimaadka, biyaha, beeraha, isku socodka jidadka iyo buuntooyinka  barnaamijka dib u dajinta, shaqo abuurka dhalinyarada iyo hooyooyinka kor u qaadista ka qaybgalka arimaha siyaasada  haweenka deegaanka , xidhiidhka arimaha bulshada dalka iyo dibada iyo nabada iyo xasiloonida deegaanka.

Wasiirka  ayaa ugu dambayn kula dar-daarmay qurba joogta DDSI meelkasta oo ay joogaan in ay sii xoojiyaan ka qaybgalkooda hawlaha horumarinta bulshada deegaanka islamarkaana ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi eek a jira deegaanka iyo dalkaba


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>