Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar Kor Loogu Qaadayo Garaadka Aqooneed Ee Shaqaalaha Barnaamijka PSNP Ayaa Ka Furmay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 10ka April 2018.Tababar uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah waaxdiisa damaanad qaadka cuntada oo loo qabatay 35 kamid ah shaqaalaha mashruuca PSNP ee heer deegaan ujeedadiisuna ahaa maaraynta cilmiga oo afka qalaad loogu yaqaano( knowledge management training) ayaa ka qabsoomay hoolka shirar ee isla xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI.

Haddaba furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI mudane Axmed shukri oo sheegay in ujeedada tababarkan yahay sidii kor loogu qaadilahaa garaadka aqooneed ee shaqaalaha kaladuwan ee heer deegaan ee barnaamijka PSNP, taas oo si casri ah u sahlaysa in loo maareeyo xogaha, warbixinada iyo in xogaha loo kaydiyo si cilmiyaysan oo maaraysan, wuxuuna wasiir kuxigeenku intaa kudaray in tababarku fahan buuxa ka heli doonaan tababar qaatayaasha islamarkaana khibrad wadaag la iswaydaarsan doono muadada uu tababarku socdo.

Ugu danbayna waxaa dhankiisa ka hadlay agaasinka damaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Lubi Axmed Kaariye oo tababar qaatayaasha kula dardaarmay inay wakhtiga ilaaliyaan mudada uu tababarku socdo maadaama oo uu tababarku yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahanyahay in aad ku shaqaysaan ugana faaiidaysaan shaqaalaha barnaamijka PSNP ee ka hawlgala 46 degmo ee uu barnaamijku ka hawlgalo, Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in tababarkan uu socondoono mudo 3 maalmood ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles