Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Safiirka Dalkeena Itoobiya U fadhiya Sweden Oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyay Waftigii DDSI.

$
0
0

Stokholm,(cakaaranews), isniin, 9ka April, 2018. Masuuliyiinta safaarada dalkeena itoobiya ee wadanka Sweden oo ay ka mid yihiin Safiirka dalkeena itoobiya u fadhiya wadanka swedan  ambassador professor Merga Bekane iyo  qusulka safaarada dalkeena itoobiya ee wadanka swedan mudane Xuseen Axmed ayaa maanta hadhimo sharafeed si heer sare ah loo soo agaasimay  u sameeyay waftigii balaadhnaa ee isku dhafka ahaa ee  uu hogaaminayay wasiirka ganacsiga,gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaacil ee ka qaybgalay xafladii loogu dabaal dagayay sanad guurada 20aad ee XDSHSI iyo masuuliyiinta jaaliyada DDSI ee wadanka Sweden   oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee wadanka Sweden mudane Xayi Maxamuud iyo gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee wadanka swedan mudane Cadaani maxamed xasan.

Haddaba, wasiirka gaadiidka ganacsiga iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI  mudane khadar cabdi ismaaciil  oo ka hadlay xafladan hadhimo sharafeedka ah ayaa siwayn ugu mahad celiyay masuuliyinta safaarada dalkeena itoobiya  ee u sameeyay casuumadan  oo ay ugu horeeyaan safiirka dalkeena u fadhiya  wadankaasi sweden ambassador professor merga bekane iyo qusulka safaarada dalkeena ee wadanka swedan mudane xuseen ahmed waxaa kale oo uu wasiirku ugu mahad celiyay masuuliyiinta safaarada dadaalka balaadhan oo ay markasta la garab joogaan jaaliyada DDSI ee wadanka swedan iyo doorka ay ka qaadaan isku xidhka jaaliyada iyo DDSI isaga oo ku booriyay in ay dadaalka halkaasi ka sii wadaan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746