Stokholm(Cakaaranews) Isniin, 9ka April2018. Qurba-joogta DDSI ee gobolka Liibaan ee jaaliyada DDSI ee wadanka Sweden ayaa waxay casho Sharafeed si heer sare ah loosoo agaasimay Uqabteen Waftigii isku dhafka ahaa ee uu hogaaminayay wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,
Haddaba waftigan isku dhafka ah ee uu hogaaminayay wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa waxay qurba-joogtan gobolka liibaan ee jaaliyada Sweden uga mahad celiyay sida quraxda badan ay usoo dhaweeyeen islamarkaana ugu sameeyeen casho sharfeedan quruxda badan.