Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Degmada Abaaqoraw Iyo Lacagihii Shaqo Abuurka Oo La Gudoonsiiyay Dhalinyarada

$
0
0

Abaaqoraw (cakaaranews)Axad, 8da, April 2018. Waxaa degmada abaaqarow ee katirsan gobolka shabeele lagu qabtay shir ujeedadiisu tahay  gudoonsiinta lacagihii shaqo abuurka loogu samaynayay dhalinyarada kuwaasoo tiradoodu dhantahay 381 xubnood oo dhalinyaro ah. iyadoo dhalinyartana la isugu xidhay iskaashatooyin kaladuwan islamarkaana lagu tababaray shaqooyinkii ay kushaqaynsan lahaayeen.

Hadaba, shirkan dhalinyarta lagu gudoonsiinayay lacagaha shaqo abuurka loogu sameeyay ayaa waxaa furitaankiisii kahdlay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeele mudane Nuur Xayir Qaasim oo sheegay in maanta ay kuwareejiyeen lagihii ay xukuumadu ugu talagshay dhalinyarta abaaqoraw. Wuxuuna xusay in shaqo abuurka dhalinyardu ay tahay mid kamdi ah qorshayaasha uyiila dalka iyo deegaankaba islamarkaana mudnaanta lasiiyay. Wuxuuna gudoomiye kuxigeenku tilmaamay in dhalinyartan lagu tababaray shaqooyinkii ay kushaqaynsanlaheeyeen islamarkaana ay isugu xidhanyihiin iskaashatooyin kalduwan oo ka kala tacaluq shaqooyin kalala duwan. Wuxuuna kuladardaarmay  in dawladu waajibaadkeedi ay kasoobaxday islamrkaana dhalinyartan shaqo abuurka loo sameeyay looga baahan yahay in ay layimaadaan dadaal badan islamarkaana ay kamidho dhaliyaan shqooyinkoodan kaladuwan.

Ugudanbayna, dhalinyarta abaaqorow ee shaqo abuurka loosameeyay oo dareen kooda kahadlay ayaa sheegay in aysan farxadooda maanta qiyaasi Karin islamarkaana waajibaadka saran ay kasoobaxayaan marba haday gacanta kuhayaan lacagihii xukuumadu ugu talagshay ee shaqo abuurka loogu sameeyay. Waxayna mahadcelin usoo jeediyeen xukuumada DDSI.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>