Stockholm(cakaaranews)Axad, 8da April 2018. Waxaa magaalada Stockholm ee wadanka Sweden ka qabsoomay xaflad balaadhan oo ay soo agaasimeen jaaliyada kudhaqan wadanka Sweden islamarkaana ay kasooqaybgaleen wafti balaadhan oo isugujiray qaranjoog iyo qurbajoog oo uu horkacayo wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga ee xarunta dhaxe ee XDSHSI iyo waliba dhamaan qubajoogta u dhalatay DDSI ee kudhaqan wadamada Scandinavianka. Iyadoo xafladana ay ahayd mid ay qurbajoogtu ku xusaysay sanadguurada 20 aad ee kasoo waraagtay aas-aaskii XDSHSI.
Hadaba, xafladan sida balaadhan loo soo agaasiamay oo ahayd mid taariikhi ah ayaa waxaa ugu horayn khadka taleefanka kaga qayb qaatay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn u hanbalyeeyay qurbajoogta kudhaqan wadanka sweden sanadguurada 20aad ee kasoowareegtay aasaaskii XDSHSI. Wuxuuna madaxwaynuhu u mahadceliyay qurbajoogta kudhaqan wadanka sweden sida quruxda badan ee ay usoo agaasimeen xafladan islamarkaana ay taageeraha ula garab tagaan yihiin XDSHSI. Wuxuuna madaxwaynuhu kawarbixyay guulaha XDSHSI uu kakeenay dhinacyada nabadgalyada, xidhiidhka dadwaynaha horumarka iyo maamulka suuban. Wuxuuna tilmaamay in qurbajoogta kudhaqan dunida dacaladeeda ay kaalin muhiim ah kaqaateen isbadalka balaadhan ee ka hanaqaaday deegaanka soomaalida itoobiya. Sidookale, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar ayaa ku booriyay qurbajoogta in ay kaqaybqaataan horumarka baaxada wayn ee kasocda deegaanka, kana kaqaybqaataan fursadaha maal gashi ee kajira dalka iyo deegaankaba islamarkaana ay noqdaan kuwo aqoon iyo xirfado cusub kusoo kordhiya deegaankooda.
Dhankakale, xafladan oo ay kasoo qaybgaleen wafti isugujira qaranjoog iyo qurbajoog oo uu horkacayo Wasiirka Xafiiska Ganacsiga, Gaadiidka Iyo Warshadaha DDSI Ahna Madaxa arimaha xisbiga ee Xarunta Dhaxe Ee XDSHSI Mudane Khaddar Cabdi Ismaaciil oo uu waheliyo lataliyaha wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI mudane cabdi khaliif dhoonbe, safiirka dalkeenan Ethiopia u fadhiya wadanka sweden iyo waliba jaaliyaadka kaladuwan ee kudhaqan wadamada Scandanivianka oo ay ugu horeeyaan wadanka sweden. Waxaana xafldan sare khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Ganacsiga, Gaadiidka Iyo Warshadaha DDSI Ahna Madaxa arimaha xisbiga ee Xarunta Dhaxe Ee XDSHSI Mudane Khaddar Cabdi Ismaaciil oo sheegay in qurbajoogta udhalatay ee DDSI ee kudhaqan dacalada dunidu ay wakhtigan kaalin muhiim ah kaga jiraan isbadalada Horumarineed ee kasocda dalka iyo Deegaankaba. Wuxuuna qurbajoogta DDSI ee kudhaqan wadanka Sweden u soojeediyay amaan balaadhan oo ku aadan sida ay usoo agaasimeen xafladan taariikhiga ah ee lagu xusayo sanadguurda 20aad ee kasoowareegtay Aasaaskii XDSHSI. Wasiirka oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in xukuumada DDSI iyo XDSHSI ay marwalba qalbi furan iyo jacayl balaadhan u hayaan qurbajoogta kasoojeeda DDSI ee kudhaqan dacalada dunida.
Sidookale, xafldan balaadhan oo noqotay mid taariikhi ah ayaa waxaa lagu soobandhigay heesaha wadaniga ah ee XDSHSI dhaantooyinka waxaana xusid mudan in xafladan ay qayb libaax kaqaateen fanaaniita caanka ah ee ay ugu horayso nimco dareen, cali dhaanto, iyo waliba fanaanka xasan wado. Kuwasoo soo bandhigay heeso iyo dhaantooyin aad loola dhacay si wayna usoo jiitay kaqaybgalayaasha xaflada.
Ugudanbayna, qurbajoogtii kasooqaybagashay xafladan oo iyana dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in XDSHSI uu muujiyay dadaal balaadhan islamarkaana uu guulo wax ku’ool ah kakeenay horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban iyo waliba xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibadba. Waxayna carbka ku adkeeyeen in ay sii labo jibaarayaan taageeraha ay uhayaan xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI.