Jigjiga,(cakaaranews), sabti, 7da April , 2018. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay raysul wasaaraha JDFI Dr abiyu ahmed ayaa kulan balaadhan kula yeeshay madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSJ masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI, odayaal dhaqameedka DDSI, hogaaminta diimaha, shaqaalaha DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI.
Waxaana, kulankaasi khudbad dheer dhaxal galka oo ku qotonta midnimada iyo isjacaylka qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ka soo jeediyay Raysul-wasaaraha JDFI Dr Abiyu Ahmed oo sheegay in ay farxad u tahay maanta oo uu booqashadiisii ugu horaysay ku yimiday deegaanka soomalida itoobiya gaar ahaan caasimada DDSI ee jigjiga Raysulwaaraha ayaa sheegay in shacabka DDSI wakhtiyadii hore soo maray dhibaatooyin badan oo dhinac kasta leh kuwaasi oo soboboy saboolnimo iyo dib u dhac badan wuxuuna tilmaamy in halgankii layskaga dulqaaday heeryadii iyo dhibaatooyinkii uu shacabka DDSI oo kaashanaya walaalahooda kale ee itoobiya uu ka galay taariikhda baal dahab ah raysalwasaaraha ayaa tilmaamay in guulaha maanta uu dalka gaadhay u soo halgameen halyayo badan oo magacwayn ku leh taariikhda caalamka oo uu ka mid yahay sayid maxamed cabdula xasan oo ka soo jeeday deegaanka somalida itoobiya.Dhinaca kale raysalwasaaraha ayaa si mug leh uga warbixiyay sida xalwaara oo aan soo noqod lahayn looga gaadhiyo xalinta iyo khifaalaadka ka jiray deegaanada soomalida iyo oromada ee walaalaha ah isaga oo si xeeldheer uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay nabadkuwadanoolaanshaha qoomiyadaha raysalwasaaraha oo arintaasi ka hadlaya ayaa soo qaatay maah’maah soomaliya oo leh” wixii umusha u tan ah ayaa ilmahana u dan ah” oo uu ula jeeday wixii soomalida u dan ah ayaa oromadana u dan ah
Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo ugu horayntii raysul-wasaaraha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ku soo dhaweeyay xarunta deegaanka ee jigjiga islamarkaana uga mahad celiyay Raysal wasaaraha in uu mudnaanta gaar ah ee uu siiyay deegaanka soomalida itoobiya imaatinka uu isaga oo aan wali ka soo wareegin xiligii la doortay todobad uu ku yimida caadimada deegaanka ee jigjiga madaxwaynaha ayaa sheegay in socdaalka shaqo deg dega ah ee uu raysalwasaaruhu ku yimiday deegaanku muujinayso sharafta iyo karaamada uu u yahay shacabka islamarkaana uu fuliyay balanqaadkiisii ahaa waxaan diirada saarayaa shaqaynta nabad kuwadanoolaanshaha qoomiyadaha madaxwaynaha DDSI oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay in Xisbiga EPRDF uu leeyahay istaraatajiyada iyo jihooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo dimuqoraadiyadeed islamarkaana hogaanka yimaadaa uu sii xoojinayo hirgalinta jihooyinkaasi madaxwaynaha ayaa tilmaamay guusha EPRDF tahay guusha XDSHSI guusha XDSHSI tahay guusha EPRDF sidoo kale guusha itoobiya tahay guusha dhamaanteen madaxwaynaha ayaa intaasi ku daray in xukuumada DDSI, shacabka DDSI iyo XDSHSI ay ka go’antahay kawada shaqaynta hawlaha horumarka ,nabadgalyada, sinaanta, cadaalada iyo nabad kuwadanoolaanshaha qoomiyadaha itoobiya.
Dhankooda odayaal dhaqameedka DDSI ayaa su’aalo ku saabsan horumarinta iyo nabadaynta iyo nabadkuwadanoolaanshaha labada qoomiyadeed ee soomalida iyo oromada kuwaydiiyay waftigan uu hogaaminayo raysal-wasaaraha JDFI
dhankiisa waxaa hadalkoodan ka soo jeediyay kulankaasi madaxwaynaha Deegaanka oromada mudane Lemma Magersa.oo halkaasi ka balan qaatay in uu waxkasta oo suurta galinaya sidii xalwaara lagaga gaadhayo nabadaynta iyo wadanoolaanshaha qoomiyadaha walaalaha ah ee somalida iyo oromadu uu xooga saarayo sidoo kale waxa uu sheegay madaxwaynuhu in shacabka soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada uu ku celintoono goobihii ay ka soo baracakeen madaxwaynaha ayaa intaasi ku daray labada shacab ee somalida iyo oromada oo u badan xoolo dhaqato labada deegaan iska kaashanayaan sidii loo horumarinlahaa islamarkaana kor loogu qaadilaha habnololeedka bulshada xoolo dhaqatada ah.
Ugu dambayntii masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa galabnimadii maanta ku sagootiyay garoonka diyaaradaha ee caasimada deegaanka waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay raysul-wasaaraha JDFI Dr abiyu axmed oo dib ugu noqday xarunta dalka ee Addis-ababa.