Image may be NSFW.
Clik here to view.Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 7da April 2018. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay rasal-wasaarha JDFI Dr Abiyu Axmed oo ay ku wehelinayeen rasal-wasaare kuxgeenka JDFI mudane Dembeke Mokenen, madaxa xarunat dhexe ee xisbiga EPRDF mudane Shiferew shikute, wasiirka arrimaha dibada ee JDFI Dr Warkene Gabayu, madaxwaynaha deegaanka oromada mudane lemma Magersa, Wasiirka wasaarada arrimaha federalka iyo horumarinta xoolodhaqatada mudane Kebede Jane iyo mas’uuliyiin kale ayaa lagusoo dhaweeyay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiilwaal.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Haddaba wafitigan balaadhan ee uu hogaaminayay raysal-wasaarha dalka mudane Dr Abiyu Axmed ayaa waxaa garoonka diyaraada ee garaad wiil waal-waal si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar, mas’uuliyiin heer federal ah oo ay kamid yihiinwasiirka wasaarada gaadiidka mudane Axmed Shide, wasiirka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha mudane Cabdifataax sheikh cabdulaahi, madaxwayne kuxigeenada deegaanka, mas’uuliyiin kale oo isugu jiray heer federal iyo heer deegaan, odayaal dhaqameedka, baanbayda,kooxaha fanka ee deegaanka iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Dhanka kale waftiga ayaa nasasho kadib usoo kicitimay dhanka xarunta madaxtooyada deegaanka iyadoo waftigu intuu dhexda sii socday uu sii kormeeray guryaha sida casriga ah loo dhisay ee dulqabow islamarkaana ugasii gudbay dhanka xarunta madaxtooyada,waftiga ayaana marakay soo gaadheen xarunta madaxtooyada deegaanka soo indha indheeyay booyadaha casriga ah ee dabdamiska oo ay dhawaan xukuumadu soo iibisay iyadoo uu halkaas madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu sharaxaad kooban kasiiyay waftiga tayada iyo qaab shaqeedka booyadahan dabdamiska ah, intaas kadibna waxay wafti booqdeen guriga laga sameeyay carada ee ku dhexyaala xarunat madaxtooyada oo ah guri 95% laga sameeyay caro halka 5% oo kali ah ka tahay shamiito, madaxwaynaha ayaana sheegay in degmooyinka deegaanka loo diray mashiinka lagu samaynayo bulikeetiga carada ah.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Ugu danbayna wafti ayaa intuusan galin hoolka waxa uu la kulmay lamaana yaashii is celmaday ee beesha gabooye iyo beelaha kale ee deegaanka, iyadoo uu halkaas faahfaahin dheer ka bixiyay afhayeenka baarlamanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashid Isaaq iyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar oo sheegay in ay xisbiga iyo xukuumadu jabiyeen fikir ku salaysnaa qabiil gumaysi oo soo jireen ahaa islamarkaana shirkii wadatashiga xukuumada iyo shacabka ee raaso hoosta laga xariiqay in beelaha deegaanka dega ay dhamaantood siman yihiin qabiil qabiil ka fiicna uusan jirin. Dhankooda waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah xubnihii is calmaday oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin nidaamkan dhaqan isgumaysiga ah ee ay xukuumdu jabisay oo ahaa mid qarniyaal soo jiray waxayna soo jeedin kadiban waxay waftigu toos ugaleen hoolka shirarka ee Kaali.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Sikastaba ha ahaatee booqashada raysal-wasaarahada dalka ayaa ah mid uu raysal-wasaaruhu shaqadiisii ugu horaysay uu ka bilaabay booqashada dawlad deegaanka soomaalida itoobiya taas oo muujinaysa muhiimada iyo ahmiyada uu deegaanku ka leeyahay dalka. Cashirna u noqonaysa dadka fikirada cidhiidhyoon wata.Image may be NSFW.
Clik here to view.