Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Lamaanihii Iscalmaday Iyo Habeenka Isniinta.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),sabti, 7da, April, 2018. Lamaanihii iscalmaday ee ka  koobnaa beesha Gabooyaha iyo beelaha kale ee deegaanka  tiradooduna dhantahay 50 qays oo si iskood ah oo xor ah isku soo doortay iskuna jeclaaday ayaa habeendambe oo ku aadan habeenka Isniintu soo galayso aroos wadareedkii Qarniga qaybtiisa labaad   xukuumada DDSI ugu dhigaysa xarunta deegaanka ee jigjiga. Kaasi oo meesha ka saaraya islamarkaana soo afjaraya yasidii iyo dhaqan guumaysigii soomalida dhexdeeda ka jirasay.

Haddaba, xafladan aroos dhaqameedka ah oo si heer sare ah loo soo agaasimayo ayaa waxaa ka soo qaybgalaya hogaaminta sare DDSI, odaal dhaqameedka DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waana taariikhda abid markii 1aad ee caadada noocan ee ka  jirtay soomalida dhexdeeda la jabiyo waana iskoor u xidhan DDSI oo mudan   in ay soomalida kale ku dayato.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>