Jigjiga,(cakaaranews),Axad, 22ka October, 2017, Wakaalada jibriga dalka laanteeda DDSI ee xarun-teedu tahay magaalada jigjiga ee caasimada DDSI oo kaashanaysa hay’yadaha amniga ayaa gacanta ku soo dhigtay lacago qalaad oo u badan doolar oo laga soo qaatay caasimada dalka ee addis-ababa taasi oo la rabay in si sharcidaro ah looga saaro dalka iyada oo la sii dhexmarinayo deegaanka soomalida itoobiya si looga bixiyo magaalada tog-wajaale ka dibna marka la soo sarifo si sharcidaro ah loogu soo celiyo dalka.
Lacagtan bilaa sharciga ah ee sida sharcidarnada ah lagaga saarayay dalka ayaa waxaa waday oo lagu qab-tay gaadhi laga leeyay magaalada Addiis-ababa noociisuna yahay baska loo yaqaano kastarka taari-kadiisuna tahay koodh 3aad AA 29,482. gaadhigan ayaa waxa waday wadaha magaciisa la yidhaahdo Tadhiyas Wandhe iyada oo lagu kala qabtay lacagahana magaalada baabili iyo tog wajaale.
Haddaba, waxaa ka warbixiyay noocyada lacagta iyo qiimaha ay dhantahay lacagtu maareeye ku xigeenka laanta jibriga DDSI mudane Axmed Ugaas oo sheegay in wakaalada jibriga oo kaashanaysa hay’adaha amniga ay soo qabatay lacago sharci-darno ah islamarkaana si sharcidarna ah kaga baxayay dalka wuxuuna sheegay in magaalada tog-wajaale lagu qabtay lacag dhan $31,664 doolar, halka magaalada baabili lagu qabtay lacag dhan $1,722,652. doolar. sidookalana 580,509 Riyaal oo ah lacagta dalka sucuudi carabiya iyo 32,750 oo ah lacagta iimaraadka carabta iyo waliba 1851 oo ah lacagta wadanka qadar. Maareeya ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in lacagtaasi lagu xereeyay bangiga ganacsiga dalka itoobiya laantiisa jigjiga halka gaadhigii, shaqsigii watay lacagta iyo wadihii gaadhiga ay kusoocto baadhitaankii islamarkaana gacantana lagu hayo.