Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Gobolka Erer Iyo Kooxda Taakulaynta Iyo Taageeraha Xarumaha Caafimaadka Oo Kulan Layeeshay Bulshada Kudhaqan Degmada Fiiq

$
0
0

Fiiq(cakaaranews)Axad 22ka October 2017. Dhawaan ayay ahayd markii xafiiska caafimaadka DDSI uu kooxaha taageerada iyo taakulaynta xarumaha caafimaadka u diray dhamaan Gobolada deegaanka iyadoo kooxahanina ay yihiin kuwo si toosa usoo kormeeraya dhamaan xarumaha iyo goobaha caafimaadka ee kajira gobolka islamarkaana kasaxaya wixii dhaliil ah ee kajira. Iyadoo ay kooxda taakulaynta iyo tageerida xarumaha caafimaadka ee gobolka Erer ay kulan balaadhan layeesheen bulshada kudhaqan degmada fiiq kadib markii ay soo dhameeyeen shaqooyinkoodii taakulaynta ee dhamaan degmoyinka gobolkaasi.

Hadaba, kulankan balaadhan ee ay qabteen kooxda taakulaynta iyo taageerida xarumaha caafimaadka ayaa waxaa kasooqaybgalay masuuliyiinta gobolka Erer, maareeyaha Hospitaalka fiiq iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan. Iyadoo kulankan uu ugu horayn kahadlay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Erer mudane Dayib Axmed Nuur oo sheegay in kulankan ujeedadiisu tahay wacyigalin islamarkaana bulshada la isugu yeedhay si ay uga hadlaan dhanka adeegbixinta cuspitaalka magaalada fiiq iyo sida ay ugu xidhanyihiin ugana faa’iidaystaan, islamarkaana katalo bixiyaan.

Sidookale, bulshada kulankan kasooqaybgashay oo kahadlay kulankan ayaa sheegay in cusbitaalka magaalada fiiq uu yahay hospital sidii loogu talagalay ugu adeega bulshada islamarkaana shaqeeya 24 saac. Waxayna inta kudareen in si wanaagsan ay uga faa’iidaystaan.

Dhankakale, xumno kamid ah kooxda taakulaynta iyo dabagalka arrimaha caafimaadka ee shaqada kawaday gobolka oodhankooda kahadalay ayaa sheegay in Shaqooyinka taakulaynta iyo taageerida ay kasoosameeyeen dhamaan xarumaha caafimaadka ee gobolka islamarkaana ay soomareen 8da degmo ee uu kakoobanyahay gobolka erer. Waxayna xuseen khabiiradu in mudo bill ah ay kujireen shaqooyinkaas. Iyadoo ujeedadooduna tahay kor uqaadista nidaamka adeegbixinta xarumaha, iskuxidhka bulshada iyo xarumaha caafimaadka, iyo waliba in bulshadu sidii looga talagalay uga faaiidaysato xarumaha iyo goobaha caafimaadka.

Iskusoowada duuboo, kooxahan taakulaynta iyo taageerida xarumaha caafimaadka ayaa hawlaha taakulaynta kawada dhamaan gobolada deegaanka.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>