Dhagaxbuur(cakaaranews)Sabti, 21ka October 2017. kalfadhigii 9aad ee Golaha Xildhibaanada degmada dhagaxbuur ayaa si habsamileh uga qabsoomay degmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar iyadoo kalfadhigana kasooqaybgaleen dhamaan xildhibaanada degmadaasi.
hadaba, kalfadhigan ayaa waxaa ugu horayn furay Afhayeenka Golaha Xidhibaanada Degmada Dhagaxbuur mudane Cabdirisaaq Maxamed Shube oo soobandhigay ajandayaasha kalfadhiga oo ahaa dhagaysiga warbixinta waxqabadkii sanadkan dhamaaday ee 2009 T.I. isagoo afhayeenku sheegay in xildhibaanadu si fiican uga doodaan ugana talo bixiyaan warbixinta Iyo waliba dhagaysiga Qorshaha waxqabadka SM 2010 .T.I
kadibna, Gudoomiyaha Degmada Dhagaxbuur marwo Aniiso Mukhtaar Xasan ayaa si qoto dheer xildhibaanada ugu soo bandhigtay qorshihii waxqabadkii 2009 T.I. waxayna ugu horayn soo jeedisay dhamaan qorshihii 2009T.I ee degmada dhagaxbuur iyo waliba miisaaniyadii lagu fuliyay. Kadibna waxay kawarbixisay qorshahaas wixii qabsoomay iyo waxii aan qabsoomin iyo waliba sababta uusan uqabsoomin. Sidookale Gudoomiyaha ayaa sida ugu badan ka warbixinaysay qorshayaashii iyo waxqabadka xafiisyada aas-aasiga ah ee sida Biyaha, Waxabarashada, Caafimaadka, Beeraha iyo Xoolaha.
Iskusoowada duuboo, dagmooyinka deegaanka iyo maamul magaalooyinka ayaa waxaa kasocda kalfdhiyadii baarlamaanka degmooyinka iyo dhagaysiga waxqabadyada kaladuwan ee ay fuliyeen golaha fulintu.