Adisababa,(cakaaranews), isniin, 9ka October, 2017. Waxaa maanta si rasmiya uga furmay xarunta dalkeena itoobiya ee adisababa kalfadhigii 5aad ee golaha wakiilada shacabka iyo golaha fadareeshinka dalkeena itoobiya taasi oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan xubnaha labada gole ee dalkeena itoobiya.
Kalfadhigan oo ugu horayntii loo istaagay dadkii shacabka soomaalida ahaa ee lagu xasuuqay hawaday ayaa waxaa furitaankiisii kudbad dheeli-tiran oo dhaxalgal ah ka soo jeediyay madaxwaynaha jamuuriyada dimuqoraadiga faderaalka itoobiya mudane Dr Mulatu Teshome isaga oo ugu horayntii ka warbixiayay ahmiyada uu leeyahay dastuurka JDFI oo ah kan mideeyay qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya islamarkaana xaqiijiyay xuquuqaha dimuqoraadiyadeed ee qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayuu yidhi madaxwaynuhu sidoo kale waxa uu ka warbixiyay madaxwaynuhu waxqabadkii sanadkii 2009TI taasi oo guulo waawayn oo mug leh laga soo hooayay iyada oo ay sanadkaasi dalka ka dheceen abaaro hadana wax saamayn ah kuma keenin geedi socodka xawaaraha horumarka ayuu yidhi madaxwaynuhu.
madaxwaynha ayaa sheegay in kor loo qaaday koboca dhaqaalaha dalka iyada oo cabirka xawaaraha dhaqaalaha la gaadhsiiyay 10.9% taasi oo ahayd in la gaadho cabirka saadaasha 11,1.% dhinaca wax soo saarka beeraha ayaa guulo mug leh taasi oo la gaadhsiiyay koboca wax soo saarka beeraha oo ay saadaasha 8,0% halka lagaadhsiiyay 6.7% waxaana keenay inta yare ee hoos u dhacu ku yimaado dhinaca wax soo saarka beeraha in meelaha qaarkood ay ka dhacday abaaro iyo roob la aan halka ay meelaha qaarna saamaysay diirta maraykanku.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in guulo waawayn laga gaadhay dhinaca koboca warshadaha taasi oo la diwaangaliyay in uu gaadhay koboca warshaduhu qorshihii la saadaalinayay in la xoojiyay korna loo qaaday wax-soo-saarka ganacsiga iyada oo la gaadhsiiyay saadaashii la filayay dhinaca kale sanadkan 2009TI gudihiisa, waxqabad maaliyadeed ee dhaqaalaheena ayaa si wanaagsan loogu guuleeystay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo dadaal dheeri ah oo natiijo lagu gaadhay ayuu yidhi madaxwaynuhu.
Madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay qorshaha sanadkan 2010TI isaga oo sheegay in xoogo la saarayo qorshayaasha lagu gaadhayo hiigsiga xaqiijinta horumar waara oo aan soo noqod lahayn taasi oo loo baahan yahay in la muujiyo dadaalkii lagaga midho dhalinayo hirgaliyo koritaan dhaqaale oo deg deg ah iyada oo xooga la saarayo wax soo saarka dalaga ee lagu hayago warshadaho dheelitirka , sida warshadaha wax soosaarka sare iyo dhexe.Dhinaca kale waxa uu sheegay maedaxwaynuhu in xooga la saarayo shaqo abuurka dhalinyarada iyo kor u qaaditaanka iskaashatooyinka taasi oo suurta galinaysa kor u qaaditaanka koboca meeliyadeed iyo midka dhaqasho.
Ugu dambayntii Madaxwayanah JDFI oo ay warbixintiisu ahayd mid aad u dheer ayaa waxa uu nurux keedu ahaa mid ku sar-go’an taaba galinta qorshayaasha horumarineed ee lagu tir tirayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.