Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Ogaysiis:

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 10ka September 2017. Waxaa dhamaan shacabwaynaha dalkeena itoobiya ee kunool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ee isticmaala baraha bulshada la ogaysiinayaa in shaqsiga wata ciwaanka President Abdi Mohamud Omar uusan ahayn ciwaankii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar balse uu yahay shaqsi tuug ah oo cadawnimo darteed usamaystay si uu ukhaldo bulshada dalkeena islamarkaana waa shaqsi lidi ku ah horumarka dalka iyo deegaankaba iyo wada noolaanshaha shucuubaha reer itoobiya. Waana shaqsi kalsooni daro dilootay  awgeed usamaystay pagekan si uu isaga dhigo uguna qaraabto islamarkaana danihiisa gaarka ah ugu fushado magaca Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Waana shaqsi inta badan kafaaiidaysta xiliyada ay xaalad gaar ah jirto.

Sidaa darteed, waxaa dhamaan shacabwaynaha dalkeena itoobiya meel kasta oo ay joogaan la ogaysiinayaa inay ogaadaan iskana ilaaliyaan shaqsigaas cadawga ah ee magaca madaxwaynaha wata islamarkaasna aysan maqlin hadal qoraalka uu soo dhigo barta social mediaga. Waxaa dhamaanteen la inooga baahan yahay inaan wada canbaarayno shaqsigaas ku sifoobay xaalad ka faaiidaysiga cadawgana ku ah jiritaankeena.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles