Jigjiga (cakaaranews)Isniin, 9ka, October 2017. Tababar kusaabsan kor uqaadida dhinaca adeeg bixinta ee shaqaalaha iyo xirfadlayaasha Hospitaalka iyo xarumaha caafimaadka iyo waliba sidii ay u noqon lahaayeen kuwo naxariis u leh bukaanka islamarakaana ujajaban u adeegida bulshada kuxidhan xarumaha iyo hospitaalada ayaa si habsamileh uga qabsoomay gudaha Jaamacada Jigjiga.
Hadaba, tababarkan oo ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska cafimaadka DDSI iyo Jaamacada jigjiga islamarkaana ah tababarkii ugu horeeyay oo noocan ah oo ay wada qabtaan ayaa waxaa kahadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo sheegay in tababarkan ujeedadiisutahay sidii ay shaqaalaha iyo xirfadlayaasha xarumaha caafimaadka iyo hospitaalada magaalada jigjiga unoqon lahaayeen xirfadlayaal u dhaga nugul bukaanka islamarkaana naxariis u leh bukaanka, sifiicana u bixin kara adeegii loogu talagalay. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan lagu barayo xirfadlayaasha casharada laxidhiidha (companionate repentance and caring) oo loosoo gaabiyo (CRC)
Iskusoowada duuboo, tababarkan oo ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah xirfadlayasha hospitaalada iyo xarumaha caafimaadka magaalada jigjiga ayaa ah mid socon doona oo yeelan doona 5 wareeg islamarkaana lasiin doono dhamaan shaqaalaha iyo xirfadlayaasha caafimaadka deegaanka