Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Sweden Oo $ 18,200 Ugu Deeqay Shacabkii Soomalida Ahaa Ee Ka Soo Barakacay Deegaanka Oromiya.

$
0
0

Sweden(Cakaaranews) Isniin 9ka October 2017.  Jaaliyadda DDSI ee Dalka Sweden ayaa Xalayto Xaflad lagu taakuleynayo shacabkii Dawlad deegaanka Somalia Itoobiya ee laga soo barakiciyay Deegaanka Oromada ayaa Xaflada lagu qabtay Magaalada Stockholm Caasimada Dalka Sweden.

Waxaa ka soo Qeybgalay Kulankaasi Safiirada Dawlada Dimoqraatiga Federaaalka Itoobiya ee wadamada Scandanivianka H.E Ambassador Woinishet iyo Qunsulka Safaarada Itoobiya ee Sweden Dr. Hussein Ahmed Omer iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI ee Sweden Mudane Xayi Maxamuud iyo Marti sharaf kala duwan.

Waxaa halkasi la guda galay Lacag bixinta lagu taakuleynayo dadkii ka soo barakacay deegaanka Oromada iyada oo ay Shaaqsiyaad jaaliyadda DDSi ee Sweden ayaa ku yaboohay qofkiiba kun dolar $1000 doolor Jaaliyadda DDSI ee Sweden ayaa waxey kaalin dahab ah ka gashay Baaqa Ka soo baxay XDSHSI ee ku aadanaa in qurbajoogta ay gacan weyn ka geystaan taakuleynta dadka soo barakacay waxayna wadarta guud ee lacagta ay jaaliyadu bixisay dhantahay $ 18,200 oo doolar Hormuudka jaaliyadaha DDSI waxaa lagu tilaami karaa Maanta in ay tahay jaaliyadda DDSI ee Sweden taasoo oo xaleyto wacdaro ka dhigeen Magaalada Stockholm.

Waxaana halkaasi kahadlay H.E Ambassador Woinishet iyo Qunsulka Dr Huseen iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Sweden Xayi iyo Marti sharaf kale Gudoomiyaha jaaiyadda DDSI ee Sweden ayaa ugu baaqay dhamaan Masuuliyiita Gobolada Dalka Sweden in ay ka qeybqaataan islamarkaana uu tagi doono Gobolada madama Magaalada Stockholm maanta lagu qabtay.

Sikastaba ha ahaatee bilowgii habeenkii ugu horeeyay ee ay kulmeen jaaliyada DDSI u ku sugan wadanka Sweden ayaa lagu aruuriyay lacag dhan $ 18,200 oo doolar iyadoo jaaliyadu wali sii wado lacag aruurinta lacagtan loogu deeqayo dadkii somalida ahaa ee kasoo barakacay deegaanka oromiya islamarkaana laga sugayo inay jaaliyadu dadaalkooda wadaninimo halkaas kasii wadaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>