Doolocado(cakaraanews)Axad, 8da October 2017. Mashruuca DRDIPee kahawlagala xafiiska horumarinta beerahaiyo khayraadka dabiiciga ah DDSI ayaa tababar uqabtay qaar kamid ah xoolodhaqato beeralayda gaar ahaan beeralayda modelka ah, xoolodhaqatada, DA, iyo waliba Technical Comiteega mashruuca kuwaasoo kudhaqandegmada doolo-cado ee gobolka liibaan. Iyadoo tababarkana ujeedadiisu ahaa sidii kor looguqaadilahaa waxsoosaarka dalaga beeraha iyo waliba xoolaha ee bulshada degmadaasi.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Gudoomiye-kuxigeenka ahna Hogaanka Nabadagalayada Maamulka iyo Cadaalada mudane Maxamuud Xaaji Dayib iyo waliba Madaxa Xafiiska Beeraha Degmada Doolo-cado mudane Nuur Maxamed Faarax oo sheegay in tababarkani yahay mid kor loogu qaadaya garaadka aqoomeed ee xoolodhaqato beeralayda dagmada doolocado. waxayna masuuliyiintu kula dardaarmeen tababartayaasha in sifiican looga faaiidaysto tababarka islamarkaana beeralayda kale ee aan nasiibka uyeelanin ay usiigudbiyaan iyaguna ay noqdaan kuwa isbadal kakeena cilmigan ay barteen.
sidookale, mudane Cabdifataax Makhtal Siraad iyo waliba mudane Cabdi Cusmaan oo ahaa khabiiradii tababarka bixinaysay islamarkaana katiirsan shaqaalaha mashruuca DRDIP ee xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI oo dhankooda kahadlay ayaa sheegay intababarkani ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa tayaynta waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha islamarkaana nacfi fiican looga heli lahaa xoolaha iyo beeraha labada. Waxayna intaa kudareen in sidookale tababarkani kusaabsanyahay kafaa’iidaysiga shinida iyadoo kaqaybgalayaasha lagu siinayo casharo laxidhiidha waxsoosaarka iyo dhaqashada shinida.
Iskusoowada duuboo tababarkan oo uu fulinayay Mashruuca horumarinta iyo kajaawaabida saamaynta ay qooxootiyadu kukeenaan deegaanka ee looyaqaano (DRDIP) ayaa ah mashruuc si wayn ugu hawlan horumarinta beeraha iyo xoolaha iyadoo tababarkanina uu qaybkayahay qoorshayaashooda kuaadan horumarinta waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha.