Fiiq (cakaaranews)Axad, 8da October 2017. Waxaa xurunta gobolka Erer ee magaalada fiiq kaqabsoomay kulan balaadhan oo kusabsan shaqo abuurka dhalinyarada islamarkaana lagu gudoonsiinayay lacagihii shaqo abuurkooda loogutalagalay iskaahato kasta.
Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadalay Hogaanka nabadgalayada maamulka iyo cadaalada gobolka Erer mudane guuleed maxamed ismaaciil Iyo waliba Gudoomiye kuxigeenka ahna hogaanka nabadgalayada maamulka iyo cadaalada degmada fiiq mudane Axmed cabdilaahi daahir oo sheegay in iskaashatooyinkani ay yihiin dhalinyar islamarkaana lagu wareejiyay lacagahoodii shaqo abuurka loogu sameeyay. Waxayna masuuliyiintu intaa kudareen in qorshahan shaqo abuurku uu yahay mid xukuumadu u qadatay in lagu tirtiro saboolnimada. Waxayna kuladardaarmeen dhalinyarta in iskaashato kasta shaqooyinkooda ay kakeenaan natiijo wax ku’ool ah si dhalinyarta kale ee kadanbaysa au ugu daydaan.
Dhankooda, madaxa xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha degmada fiiq mudane mukhtaar awbadal iyo waliba maareeyaha microfinance mudane cabdixamiid cabdiqaadir mursal oo dhankooda kahadlay ayaasheegay in guuda ahaan dalkeenu uu xooga saaray shaqo abuurka si lootirtiro saboolnimada islamarkaana dalku uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay. Tanina ay qaybkatahay qorshayaashaas dalku qaatay. Waxayna xuseen masuuliyiintu in dhalinyartu si wadaniyad leh oo daacadnimo kudheehantahay uga soobaxaan xilka iyo waajibaadkooda.
Ugudanbayna, dhalinyaradii lacagaha laguwareejiyay oo dareenkooda kahadalay ayaa sheegay in ay nasiib uyeesheen shaqo abuurka noocan ah ee lagu gudoonsiiyay lacagaha oo aysan nasiib uhelijirin dhalinyardii kahoraysay. Waxaynabalan qaadeen inay shaqooyinkooda kamidho dhalinayaan