Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Talaal iyo Daawayn Laga Fuliyay Ceelasha Caanka Ah Ee Ceelxaar iyo Hadhaawe

$
0
0

Hadhaawe(cakaaranews)Jumce, 6da October 2017. Xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraga ayaa talaalka xoolaha iyo daawayn kabilaabay ceelasha caanka ah ee ceelxaar iyo hadhaawe kuwaasoo kamid ah ceelasha  xooluhu kacabaan islamarkaana geeyay daawooyin iyo talaalka xoolaha.

Talaalkan iyo daawaynta oo ay fulinayeen xirfadlayaal kasocotay xafiiska xoolaha iyo horumarinta reeguuraaga iyo waliba xirfadlayaasha kahalgala degmooyinkaas iyadoo talaalka iyo daawooyinkanina ay ceelaashaas kasocon doonaan mudo 45 bari ah.

Hadaba, qaarkamid ah bulshada xoolodhaqatada ah ee daawaynta iyo talaalka loogu sameeyay xoolohooda oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxasanyihiin daawayntan bilaashka ah iyo talaalkan ay u sameeyeen xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha. Waxayna xuseen in ay aad ugu mahadcelinayan xukuumada DDSI iyo XDSHSI .

Ugudanbayna qaarkamid ah masuuliyiintii agasimaysay daawooyinkan iyo talaalka ayaa sheegay in xoolo tiro badan oo isugujira geel, lo’a iyo adhi lasiiyay daawooyin iyo talaal islamarkaana ay wali si habsamileh uga socoto daawaynta xooluhu ceelasha ama sabooyinka ceelxaar iyo hadhaawe.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>