Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Qiimayntii Waxqabadka Rubucii 1aad Ee Degmooyinka Gobolka Nogob.

$
0
0

Ceelwayne(cakaaranews), jumce, 6da, October, 2017. Shir lagu qiimaynayay waxqabadka rubuca 1,aad ee sanadka 2010TI ee degmooyinka gobolka nogob  ayaa ka furmay  madasha  shirarka ee xarunta gobolka nogob ee magaalada ceelwayne  

Shirkan  qiimaytan   diirada lagu saarayo hirgalinta qorshayaasha  horumarka iyo maamulka suuban ee u dajisnaa degmooyinka gobolka nogob gaar ahaan hirgalinta qorshaha ah isku filnaanshaheena waan soo ceshan karaa  ayaa waxaa ka soo qaybgalay maamunta maamulka gobolka nogob  oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka nogob  mudane ahmed xaaji Aadan  iyo  dhamaanta masuuliyiinta  degmooyinka hoos yimaada gobolka nogob

Furitaankii shirkan  qiimaynta ah  ayuu gudoomiyaha gobolka nogob mudane Axmed Xaaji Adan    si fiican ugu qeexay maamulada degmooyinka ujeedooyinka iyo ahmiyada shirkan  qiimaynta ah isaga oo sheegay in  qiimayntan xooga la saarayo fulinta qorshyaashii u dajisnaa maamulada degaayinka  oo ah kuwii heer deegaan laga soo dhaadhiciyey iyo kuwii degmada u qorshaysnaa labadaba sida:  qorshaha dhinaca wax soo saarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo ah nidaam casiyo oo lagu hirgalinayo  qorshaha isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa  iyo wacyigalinta bulshada, dakhliga, nidaamka cadcadaanta iyo islaxisaabtanka miisaaniyada, nidaamka gudi kushaqaynta isagoo gudoomiyuhu tilmaamay inay degmooyinku ku saleeyaan warbixintooda qotobada  sare kucad si ay wakhtiga uga faaiidaystaan.

Waxaana la guda galay dhagaysiga warbixinada waxqabadka rubuca 1aad ee maamulada degmooyinka maamulka gobolka nogob.

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>