Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 6da, October, 2017. Waxaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiil waal wafti ay hogaaminayso wakiil UNDP u fadhiya dalkeena itoobiya marwo Louise Chamberlain.
Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal masuuliyiinta sare oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, wasiirka ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.
Soo dhawayn ka dib waxay waftigan ay hogaaminayo wakiilka UNDP u fadhiya dalkeena itoobiya ay kulan balaadhan la yeelay masuuliyiinta xukuumada DDSI waxaana kulankaasi hogaaminasay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI marwo sucaad axmed faarax oo ugu horayntii waftigan ku soo dhawaysay deegaanka waxayna ka warbixisay madaxwayne ku xigeenka xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya UNDP iyo xukuumada DDSI islamarkaana loo baahan yahay in la sii xoojiya xidhiidhkaasi iskaashi
Dhankeeda wakiilka UNDP u fadhiya dalkeena itoobiya marwo Louise Chamberlain. Oo ka warbixisay ujeedooyinka socdaalkeeda ayaa sheegtay in ay tahay sidii loo sii xoojin lahaa hirgalinta mashaariicaha ay UNDP ka wado deegaana iyo guud ahaanba xidhiidhka iskaashiga ee wada shaqayneed ee ka dhexeeya UNDP iyo xukuumada DDSI waxayna ku amaantay xukuumada DDSI taaba galinta mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay deegaanka iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay xukuumada DDSI ha’yadaha caalamiga ah ee ay ka mid tahay UNDP.