Jigjiga (cakaaranews)Sabti, 7da October 2017. Kulan uu sooagaasimay xafiiska kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka islamarkaana kusaabsanaa taageero siinta dadka soomaalida ah ee ladijiyay tuulada qoloji kana sooqaybgaleen xubno kasocday xafiisyada bahwadaata la ah xafiiska iyo waliba hay’ado heercaalami ah ayaa kaqabsoomay xarunta deegnka ee magaalada jigjiga.
Hadaba, kulankan ayaa waxaa xidhtaankiisii kahadlay Wasiirkuxigeenka Xafiiska Kahortaga iyo U Diyaargarawga Masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali wuxuuna sheegay in kulankani kusaabsanaa sidii taageero loosiinlahaa dadka soomaalida ah ee kasoobarakacay deegaanka oromiya ee xukumadu dajisay tuulada qoloji. Wuxuuna xusay in kulankan ay isugu yimaadeen qaarkamid ah hay’adaha bahwadaagta ah iyo waliba xafiisyada heerdeegaan. Wuxuuna tilmaamay in kulankani uu sooscoday maalmahanba islamarkaana siwada jir ah loodiyaariyay istaartijiyadii lagu taakulayn lahaa bulshada barakacayaasha ah loogana gargaari lahaa dhinacyada adeegyada aasaasiga ah ee biyaha waxabarashada caafimaadka iyo beeraha.
Iskusoowada duuboo, xukuumada deegaanka soomalida itoobiya iyo waliba shacabka DDSI dal iyo dibadba ayaa maalmahanba kujira taageero dhinacyo badan oo hiil iyoo hooba leh.