Jigjiga (cakaaranews)Talaado, 26ka September 2017. Tababar kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee dhalinyaradii iskaashatooyinka iyo shirkadaha la isugxidhay oo ku aadan nidaamka wax soosaarka , hal abuurka ganacsiga iyo waliba maaraynta iyo kaydsiga lacagaha islamarkaana ay kasooqaybgaleen dhamaan dhalinyartii xukuumadu u samaysay shaqo abuurka ayaa ka furmay magaalada jigjiga.
Hadaba, tababarkan oo uu soo agaasimay wakaalada horumarinta shirkadaha yaryar, dhexe, shaqo abuurka iyo damaanad qaata cuntada ee magaalooyinka ayaa waxaa furitaankiisii hadalo muhiim ah kasoojeediyay Lataliyaha Madaxwaynaha Dhanka Saxaafada ahna Wasiirka Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha mudane Maxamed Bile Xasan iyo waliba Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Shirkadaha Yaryar, Dhexe, Shaqo-abuurka iyo Dabaanad-qaaka Cuntada ee Magaalooyinka DDSI mudane Cabdi Muxumed Cismaan oo sifiican uga warbixiyay ujeedooyinka laga leeyahay shaqo abuurka loosameeyay dhainyaradan. Waxayna tilmaameen in si loo gaadho hadfyada iyo yoolasha ay higsanayso xukuumada DDSI ay lagama maarmaan tahay in latirtiro shaqo la’aanta dhalinyarada islamarkaana shaqo abuur loosameeyo dhalinyarada si loo afjaro shaqo la’aanta iyo saboolnimada. Waxayna xuseen masuuliyiintu in nidaamka iskaashigu uu yahay nidaamka ugu fiican shaqo abuurka islamarkaana ay tahay nidaam midnimo ah oo wax wada qabsi ah. waxayna masuuliyiintu kula dardaarmeen in waajibaadkooda iskaashatanimo iyo ka shaqsi ahaanba ay siduu ahaa uga soobaxaan oo ay noqdaana dhalinyar kamidho dhalisa shaqooyinkooda.
Dhankakale, tababarkn ayaa waxaa dhalinyarta lagu barayaa casharo laxidhiidha dhamaan noocyada shaqooyinka ama waxsoosaarkooda kaladuwan ee ay iskaashatooyinku kutacaluqayaan iyo waliba nidaamka maaryayneed sida istaartijiyadaha horumarinta shirkadaha yaryar, warshadaha yaryar, kaydsiga lacagaha, diyaarinta qorshaha ganacsiga iyo nidaamka xisaabaadka.
Iskusoowada duuboo,tababarkan oo aan ahayn markii ugu horaysay ayaa waxaa casharada ka bixinaya khabiiro u xeeldheer casharada ay bixinayaan.