Jigjiga(Cakaaranews) Arbaca 27ka September 2017. Waxaa la ogaysiinayaa cid kasta oo soomaali ah oo kunool gudaha dalkeena itoobiya iyo dibadiisaba inay kaqaybqaataan gargaarka iyo caawimaada lagaadhsiinayo eheladii iyo qaraabadii dadkii soomaalida ahaa ee xasuuqa loo gaystay iyo waliba dadkii kasoo barakacay deegaanka oromiya iyadoo arintan gargaarka ah loo xilsaaray gudi iskudhaf ah oo isugu jira Shacab, Qurba-joog, xukuumada iyo xafiiska xidhiidhka Arrimaha Qorba-joogta DDSI .
Waana kuwan hoos kuxusan magacyada gudiga loo xilsaaray gargaarka iyo caawinta dadka soo barakacay iyo telefoonada lagala xidhiidhayo:
1. Mudane Khadar Macalin Cali 0912602550
2. Mudane Jamaal Dheere 0915051983
3. Mudane Cabdiqani Faarax 0973139284
4. Mudane Badri Yusuf Omas 0915744710
Hadaba waxaa Accountiyo aad kusoo dirtaan gargaarkiina la idiinka furay xawaalada Kaah, xawaalada Dahabshiil, somali micro finance iyo bangiga ganacsiga Itoobiya (Commercial Bank of Ethiopia)
Waana kuwan accountiyadii la idiin furay:
1. . Commercial Banka Of Ethiopia: Account number: 1000220167511
2. . Xawaalada Kaah: Account number: 29171
3. Somali micro finance: Account number 1101511
4. Xawaalada Dahabshiil: Account number 1696
Sidaadarteed waxaa mar labaad la ogaysiinayaa cid kasta oo soomaali ah oo kadamqanaya dhibaatada dadkaas gaadhay meel kasta oo uu dunida kajoogo inay kaalintooda kagaystaan.
Wixii faah-faahin ah ama dheeri ah kala-xidhiidh numberada gudiga ee sare kucad