Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 26ka September 2017. Tababar lagu kordhinayay garaadka aqooneed ee madaxafiiseedyada maaliyada iyo kuwa beeraha ee barnaamijka shabakada badbaadada waxsoosaarka PSNP ee 15ka degmo ee cusub ee kusoo biiray barnaamijka PSNP ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI.
Hadaba tababarkan kor loogu qaadayay garaadka aqooneed ee madaxfiiseedyada maaliyada iyo beeraha ee 15ka degmo cusub ee kusoo biiray barnaamijka ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay inuu tababarkan yahay sidii fahan buuxa looga siin lahaa qaab shaqeedka qorshaynta iyo waxqabadka kala duwan ee 5ta qaybood ee uu barnaamijku ka koobanyahay. Waxayne madaxwayne kuxigeenku kula dardaarantay madaxfiiseedyada inay ku shaqeeyaan nidaamka lagu tababaray mudada uu tababarku socdey islamarkaana si ficil ah u fuliyaan qorashayaasha iyo qaab shaqeedka fahanka buuxa laga siiyay mudad uu tababarku socday.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay waxbadan ka faaiideen mudada uu tababarku socday islamarkaana ay ku shaqayn doonaan nidaamkan qorshaynta iyo fulinta waxqabadka kala duwan ee 5ta qaybood uu ka koobanyahay barnaamijku.
Sikastaba ha ahaatee barnaamijka shabakada badbaadada waxsoosaarka EE PSNP oo horay ugu hawlgali jiray 31 degmo oo deegaanka ah ayaa hada ka hawlgala 46 degmo oo kakooban 11ka gobol ee deegaanku ka kooban yahay.