Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Maareeyaha Guud Ee Shirkada Dhismaha Jidadka DDSI Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Shirkada.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 26ka September, 2017. Maareeyaha guud ee shirkada  dhismaha jidadka DDSI mudane mudane Cabdilaahi Wali Xasan oo xafiiskiisa ugu waramayay  warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in shirkada oo ka duulaysa   fulinta  iyo hirgalinta qorshayaasha ee u dajisan  xukuumada DDSI ay xooga  saartay sanadkii tagay ee 2009TI hirgalinta dhismayaasha jidadka, mashaariicaha waraabka iyo taaba galinta buundooyinka  hal-bawlaha  u ah horumarka bulshada deegaanka.  

maareeyaha ayaa  sheegay  in shirkadu   dadaal xoogan  ugu jirto  fulinta qorshayaasha  horumarineed oo isugu jira dhismayaasha jidadka oo sahlaya isku socodka bulshada deegaanka, hirgalinta   hawlaha  horumarka nabadgalyada iyo koboca dhaqaalaha dalka iyo deegaanka, mashaariicaha,biyo xidheenada waraabka looga faa’iidaysanayo    maareeya  ayaa sheegay in qorshayaasha ay shirkadu gacanta ku haysay ee la soo gabagabeeyay sanadkii 2009TI  ay ka  mid yihiin mashruuca waraabka Baka kaasi oo ka  kooban dhismayaal kala duwan  oo suurta galinaya in uu waraabiyo mashruucu, dhulbeereed dhan 600,000 oo Higter  islamarkaana ay shirkadu dhamays tirtay  gacanka dheer  ee  biyaha  qaada,  sidoo kale la dhamays tiray 17 barkadaha biyaha qaybiya iyo 4 Boondhiyada biyaha kaydiya   kuwaasi oo ay shirkadu dhamays tirtay sanadkii tagay ee 2009TI.

maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in shirkadu sanadkii 2009TI  hirgalisay mashaariico kale oo mugwayn kuwaasi oo wakhti xaadirkan bixinaya adeegyadii loogu talagalay  gaar ahaan  dhinaca dhismayaasha jidadka iyo buundooyinka sahlaya  isku socodka bulshada deegaanka, dadka, duunyada iyo gaadiidka u kala goosha gobolada iyo degmooyinka  DDSI. maareeyaha ayaa tilmaan dheer ka bixiyay dhibaatooyinkii hore uga haysan jiray bulshada deegaanka dhinaca jidadka ee isku socodka degmooyinka deegaanka balse markii ay xukuumada DDSI dajisay ayuu yidhi maareeyuhu qorshayaal cilmiyaysan in  laga guul gaadhay xal u helida jidadka isku xidha gobolada iyo degmooyinka deegaanka.

Maareeyaha ayaa  intaasi ku daray in ay wakhtixaadirkan shirkadu gacanta ku hayso mashaariico waawayn oo muhiim u ah taaba galinta qorshayaasha horumarika kuwaasi oo ay ka mid yihiin, buundooyin, mashaariicaha dhinaca biyo xidheenada   waraabka  looga faa’iidaysanayo iyo mashaariico dhinaca jidadka ah kuwaasi oo wakhti kooban lagu soo gabagabayn doono, maareeyaha ayaa ug dambayntii sheegay in shirkada dhismaha jidadka DDSI leedahay awood fulineed oo suurta galinaya taaba galinta iyo ka midho dhalinta qorshaha  u dajisan shirkada sanadka 2010TI.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>