Jigjiga(cakaaranews)Sabti 9ka September 2017. Tartanka kubada cagta oo ay ku loolamayaan hay’adaha dawliga ah oo loogu magacdaray ‘’Iskufilaanshaheenii Waan Soo Ceshan Karaa’’ kana sooqaybgaleen 60 kooxood oo kakala socda xafiisyada, wakaaladaha, kulyadaha iyo komishinada heer deegaan ayaa si habsamileh uga furmay garoonka kubada cagta ee magaalada jigjiga.
tartankan ayaa waxaa iyadna kasooqaybgalay masuuliyiin heerdeegaan ah oo ay horkacayeen madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalaooyinka iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, dhamaan mauuliyiinta hayadaha dawliga ah, kooxihii kubada iyo waliba taageerayaasha.
Hadaba, tartankan ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalaooyinka iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal, oo sheegay in xukuumada DDSI ay wado qorshayaal kor loogu qaadayo ciyaaraha dhalinyarada. Wuxuuna xusay mw-kuxxigeenku in tartankan loogu magacdaray’’ iskufilaanshaheenii waan soo ceshankaraa’’ kuna loolamayaan 60 kooxood oo kakala tirsan 13 group islamarkaana ciyaarahani ay socon doonaan mudo 5 bilood ah oo ay kooxuhu ciyaari doonaan 2da maalmood ee shaqada laga nasto ee sabtida iyo axada. Wuxuuna tilamaamay in tartankani uu yeelan doono abaalmarino badan oo kala duwan.
Sidookale, madaxa xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile Xasan oo sheegay in taratankani leeyahay 2 ujeedo oo kala ah in dhalinyaradu noqoto dhalinyar fifircawn oo caafimaad qabta iyo waiba in dhalinyaro hal abuur leh oo u jajaban horumarka iyo kamidho dhalinta qorshayaasha deegaanka u yaala lahelo, maadaama tartanka magaciisu yahay iskufilaanshaheenii waan sooceshan karaa.
Dhankakale, tartankan kubada-cagta ayaa waxaa ciyaarta lagu furay 2da kooxood ee kala ah xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI iyo xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaasna halakaas kusoo bandhigay ciyaar quruxbadan oo aad loo jeclaystay, waxayna wakhtgi loogu talagalay ciyaartu kudhamaatay 5-0 oo ay guushu kuraacday xafiiska Hor- beeraha iyo Khay-dabiiciga ah DDSI
Iskusoowada duuboo, tartankan ayaa iyana waxaa dareenkooda kahadalay kooxihii kasooqaybgalay oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tartankan kubada cagta eeay ku loolamayaan 60ka kooxood. Wxayna xuseen in tartankani faaiido badan u leeyahay dhalinyarta maadaama oo ay ciyaaruhu yihiin caafimaad.