Jigjiga,(cakaaranews), Sabti, 9ka, September, 2017. Xaflad si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalinjabiyeen dufcadii 22aad ee waxbarashada xiliga xagaaga (Summer) waxku baran jiray kuliyada macalimiinta Dr cabdijamiid xuseen oo ay tiradoodu dhantahay 1492 arday ayaa maanta ka qabsoontay magaalada jigjiga.
xafladan qalinjabinta dufcadii 22aaad ee ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta sar sare oo ka tirsan xukuuamda DDSI oo ay ugu horayso madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiir beeraha iyo horumarinta Khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo sucaad axmed faarax, wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibaahin Aadan mahad, madaxa arimaha siyaasada xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cumar Maxamuud, maareeyaha kuliyada macalimiinta Dr cabdinajiib xuseen mudane kifaax cabdilaahi macalin iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.
Waxaana, xafladan qalinjabinta ah ugu horayntii ka hadshay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiir beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayn u hambalyaysay ardaydan qalinjabisay maanta islamarkaana u mahad celisay dadaalka ay wado kuliyada macalimiinta Dr cabdinajiid xuseen ee ay ku soo saarayso cudud waxbaratay oo ku gaashaaman aqoon kuwaasi oo ka qayb-qaadanaya hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka gaar dhinaca soo saarida macalimiin tayale. Waxayna madaxwayne ku xigeenku la dar-daaran tahay ardaydan maanta qalinjabisay iin ay ka soo dhalaalaan meelmarinta culuuntii ay barteen ugu adeegaan bulshadood gaar ahaan dhinaca tayaynta waxbarashada.
Dhnakiisa waxaa ka hadlay xafladan qalin jabinta wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad oo ugu horayntii u hambalyeeyay ardaydan qalin jabinaysa maanta ayaa ka warbixiyay dadaalada loogu jiro taaba galinta tayada waxbarshada dalka iyo deegaanka wasiirka ayaa ka warbixiyay guulaha laga soo hooyay sanadihii ugu dambeeyay dhinaca waxbarashada deegaanka isaga oo ku booriyay ardaydan maanta ka qalin jabisay kuliyada macalimiinta ee waxbarshada xiliga xagaagu in ay taaba galiyaan culuumtii ay barteen xilwayna iska saaraan kaalin ka gaysashada dadaalka loogu jiro tayaynta waxbarshada deegaanka.
Maareeyaha kuliyada macalimiinta Dr cabdinajiid xuseen ee DDSI mudane kifaax cabdilaahi macalin oo ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee kuliyada macalimiinta iyo isbadaladii ay soo martay kuliyadu isaga oo sheegay in xafladan maanta ay ku qalinjabinayaan dufcadii 22ad ee waxbarshada xiliga xagaaga oo ay tiradoodu dhantahay 1492 arday kuwaasi oo barty culuumta kala duwan ee dhinaca macalimiinta wuxuuna ku baariyay in ay noqdaan kuwa ka midho dhaliya aqoonta ay barteen.
Gabagabadii munaasabadan qalinjabinta waxaa abaalmarino la gudoonsiiyay ardaydii gashay kaalmaha hore dhinaca dhibcaha waxbarashada.