Qalaafo (cakaaranews)Jumce 8da September 2017. Kadib markii maamulka degmada qalaafo uu sameeyay wacyigalin balaadhan oo kusaabsan kafaa’iidaysiga dhulka iyo in dhamaan bulshada degmada qalaafo ay kufoorarsato dhulka islamarkaana ay samayso waxsoosaar balaadhan si ay u noqdaan bulsho iskufilan, loona hirgaliyo qorshayaasha DDSI ee kuqotama barnaamijka beerashada casriga ah ee ah ‘’Iskufilaanshaheenii Waan Sooceshan Karaa ‘’ iyo waliba ‘’Waan Haysanaaye Allaw Nagaransii’’ ayaa Bulshada kudhaqan degmada qalaafo oo ay horkacayaan Maamulka degmada qalaafo ay si wada jir ah u bilaabeen shaqooyinkii u diyaargarawga beerashada casriga ah.
Hadaba, maamulka degmada qalaafo oo arrintan abaabulka beerashada carsriga ah kahadlay ayaa sheegay in maamulka degmadu uu wacyi galin balaadhan sameeyay islamarkaana maamulka iyo bulshada degmada qalaafo ay si wada jir ah u bilaabeen qardaynta dhulbeereedka sheikh cali barakaale ee degmada qalaafo oo ah dhul aad ugu haboon waxsoosaarka dalagyada kaladuwan ee beeraha. Waxayna xuseen in dhulkani uu hada kahor ahaan jiray dhul waxsoosaar aad u badan uu kabixijiray. Hadana ay kusamaynayaan beerashada casriga ah.
Ugudanbayna, bulshadii kasooqaybgashay qardaynta iyo u diyaargarawga dhulbeereedkan sheikh cali barakaale oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugufaraxsanyihiin abaabulkan balaadhan ee uu maamulka degmadu bulshada qalaafe kusameeyay. Waxayna xuseen in ay balanqaadayaan in ay si fiican uga faaiidaysanayaan dhulkooda.