Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xafiiska Maaliyada Iyo Hor-Dhaqaalaha DDSI Oo Computero Gudoonsiiyay 31 Degmo Oo Deegaanka Ah

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Talaado18ka July 2017. Wasiirka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed ayaa madax xafiiseeyada maaliyadaha ee 31 degmo oo deegaanka ah gudoonsiiyay computerada nooca looyaqaano desktopka. kuwaasoo loogu talagalay in ay kushaqeeyaan shaqaalaha mashruuca PSNP islamarkaana loogu adeego kafaaiidaystayaasha danyarta ah ee mashruuca shabakada waxsoosaarka cuntada.

Hadaba,  Wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo lahadlay warbaahinta deeganka ayaa sheegay in ujeedada computeradani ay yihiin in loogu adeego kafaaiidaysatayaasha mashruuca PSNP. Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in degmooyinka la gudoonsiiyay computaradan ay sidii loogu talagalay u isticmaalaan islamarkaana ay ilaashadaan, khabiirada aqoonta ulehina ay kushaqeeyaan. Maadaama oo qalabkan logu talagalay in loogu shaqeeyo dadka danyarta ah ee looga faaiideeyo mashruucan shabakada waxsoosaarka cunada ee looyaqaano (PSNP)

Kadibna wasiirka ayaa madax xafiiseedyada maaliyada ee 31 degmo ee uu mashruucu kashaqeeyo  ku wareejiyay computeradii desktopka ahaa

Ugudanbayna, madax-xafiiseeyadii lagu wareejoiyay computaradan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in wasiirku computaradan kuwareejiyo. Waxayna balan qaadeen in computaradan lagu qabanayo shaqooyinka loogu talagalay oo kali ah looguna adeegi kafaaiidaystayaasha  mashruuca PSNP. 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>