Afdam(Cakaaranews) Talaado, 18ka July, 2017. Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee Degmada afdem ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada afdem iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti. Oo uu qorshuhu yahay in looga faaiideeyo dhamaanba bulshada ku dhaqan nawaaxigaas ee wax ka qaba indhaha.
Hadaba marwo Rakhtal Axmed Cabdulaahi oo kamid ah hawlwadeenada kooxdan wareegta ee qalitaanka indhahaayaa sheegtay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee caafimaadka DDSI uu ka bilaabmay degmada afdem islamarkaana looga faaiidayn doono bulsha aad tira badan oo isugu jira qaliin, daawayn iyo muraayado. Iyadoo wakhti xaadirkana lagu jiro tijaabadii hore ee qof walba sida uu wax ooga qabo indhaha lagu ogaan lahaa. Wuxuuna intaa ku daray inuu adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah uu maalmahan kasii socon doono degmada afdem ee gobolka siti.
Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay kusimaha gudoomiyaha degmada Afdem Daahir Shafeec Khaliif oo sheegay inuu adeegani yahay mid muhiim ah islamarkaan uu muhiim uyahay bulshada danyarta ah, Wuxuuna masuulku intaa kudaray inay wargeliyeen dhamaan bulshada ku dhaqan degmada afdam iyo naawixgeedaba.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada loo samaynayo adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee degmada afdem iyo nawaaxigeeda oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin adeegan ay xukuumadu ufilisay. Waxayna intaa ku dareen inay aad oogu mahadsanyihiin XDSHSI iyo Xukuumada keentay adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ah.