Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xirfadlayaasha Caafimaadka Xoolaha Ee Degmooyinka 3 Gobol Oo Loo Soo Xidhay Tababar U Socday 20 Cisho

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado 18ka July 2017. Tababar  ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska xoolaha  iyo  horumarinta reer-guuraaga iyo mashruuca horumarinta xoolodhaqatada ee PCDP oo loo hayay xirfadlayaasha caafimaadka ee degmooyinka sadexde gobol ee faafan, siti iyo  erer islamarkaanau  socday mudo 20 cisho ah ayaa loo soo gabagabeeyay.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Xoolaha Iyo Horumarinta Reerguuraga DDSI mudane Cali cumar iyo waliba Maareeyaha Mashruuca Horumarinta Xoolo-dhaqatada ee PCDP mudane Cabdifataax Axmed oo sheegay in tababakani ahaa mid socday mudo 20 cisho ah islamarkana ujeedadiisu ahayd kobcinta awooda xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha ee sadexda gobol ee kala ah Siti, Faafan iyo Erer. Waxayna masuuliyiintii xuseen in xirfadlayaashan labaray casharo laxidhiidha xirfada caafimaadka xoolaha, xanaada xoolaha iyo daawayntooda wakhti ku haboon.

Mas’uuliyiinta ayaa xirfadlayaasha kuladardaarmay in shaqo wanaag iyo kago’naasho ay layimaadaan islamarkaana ay niyada kuhayaan in nolosha deegaanku ay kutiirsantahay dhaqashada xoolaha xila uu kasaarnyahay. Waxayna carabka kudhuften in loo naxariisto xoolodhaqatada oo aan daawooyinka lagu qaaliyaynin, wacyigalinta iyo latalintana loogu dadaalo bulshada.

Dhankakale, xirfadlayaashan tababarka loo soo xidhay ayaa waxaa loo qaybiyay daawooyinka xoolaha iyo agabkale oo kaladuwan. Waxaana gabgabadii lagudoonsiiyay shahaadooyin cadaynaya tababarkan ay qaateen iyo mudad ay qaateen.

Ugudanbayna, xirfadlayaashan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in aad ugu faraxsanayihiin tababarkan ay qaadanayeen mudada 20ka cisho ah. Waxayna tilmaameen inay faa'iido badan kaheleen islamarkaana ay dhaqangalinyaan casharada ay barteen, si itoos ahna u qaadanayaan dadaraanka masuuliyiintu ay siiyeen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>