Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Ololihii Talaalka Degmada Jigjigada Koonfureed Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Talaado 9ka August 2016 Ololihii talaalka boliyada wareega 21aad oo ka socday Guudahaanba deegaanka ayaa gaar ahaan ay degmada   jigjigada koonfureed  maanta soo Gabagabagabeyeen.iyagoo ka fuliyay  tuulooyinka,tuulooyin hoosaadyada iyo dhamaan santarada ay ka Koobantahay degmadu.

Hadaba madaxafisedka caafimaadka degmada jigjigada koonfureed mudane Maxamed Sheekh Xasan Xareed oo u waramay shabakada cakaaranews  ayaa sheegay  in talaalkii ama ololihii boliyada uu u Qabsoomay sidii loogu talagalay islamarkaana looga hirgalyay dhamaan goobihii loogutalagay iyadoo Dabagal joogta ah lagu samaynayay intuu uu socday ololahan.

Sikastaba ha ahaatee talaalakan ka hortaga cudurka dabaysha ayaa  loogu talagay caruurta da,doodu ka Hoosayso 5 sano ayaa wuxuu qayb kayahay qorshayaasha ay xukuumada dalka iyo deegaankuba u Qaateen in laga dabar gooyo guud ahaanba dalka.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>