Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Ardayda DDSI Ee Waxka Barata Jaamacada Diredhaba Oo kulan ku yeeshay xarunta XDSHSI Laanta diredhaba.

$
0
0

Diredhaba(cakaaranews) talaado, 9ka August, 2016 Waxa ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta XDSHSI laanta diredhaba kulan wacyigalin ah oo  ay yeesheen dhalinyarada DDSI ee wax ka barata jaamacada diredhaba, xubno ka mid ah dhaliyarada ismaamulka magaalada diredhaba iyo masuuliyiinta XDSHSI laanta diredhaba.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankaasi  madaxa xafisaka XDSHSI lantisa Diredhaba Mudane Suubane Cabdi Axmed oo ardaydan fahan buuxa ka siiyay  jihooyinka istaraatajiyadaha iyo barnaamijyada horumarineed iyo kuwa siyaasadeed ee  u dajisan XDSHSI kuwaasi oo ku salaysan ayuu yidhi masuulku sidii loo tir tirilahaa saboolnimada islamarkaana loo gaadhi lahaa horumar waara oo dhinac kasta leh wuxuuna dhalinyaradan ku booriyay in ay noqdaan kuwa ka guul gaadha waxbarashadooda si ay u noqdaan cudud waxbaratay oo sii xoojisa hawlaha horumarka. nabadgalyada iyo maamulka suuban ee DDSI.

Dhankooda ardayda DDSI ee waxka barata Jaamacada diridhaba ayaa sheegay in ay ka soo baxayaan waajibaadka saaran islamaraana sii xoojinayaan hawlaha horumarka iyo nabadgalayada ayna noqonayaan  kuwa leh aragti shacab, aragti horumarineed iyo aragtida XDSHSI.    

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles