Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Balaadhan Oo Ka Dhacay Degmada Gaashaamo

$
0
0

Gaashaamo(cakaaranews)isniin 8da August 2016.  Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sii xoojinta iyo dardargalinta hawlaha Horumarka iyo Nabadgalyada ayaa ka dhacay Degmada Gaashaamo ee Gobolka Jarar. 

Hadaba kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Xafiiska shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada DDSI  Mudane Axmed koore, Hogaan ku xigeenka Xafiiska Nabadgalyada Maamulka iyo Cadaalada DDSI Mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak, saraakiisha ciidamada gaarka ah ee DDSI  iyo Ciidamada Difaaca Qaranka, Odayaal dhaqameed, ugaasyo, garaado, Suldaamo iyo qeybaha kaladuwan ee Bulshda ku dhaqan degmada Gaashaamo iyo Nawaaxigeeda.

Kulankan balaadhan ayaa Waxaa ugu Horeyn furay Hogaan ku xigeenka Xafiiska Nabadgalyada Maamulka iyo Cadaalada ee DDSI Mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak oo sheegay in ujeedada Shirkani loo qabtay uu yahay Sidii Xukuumadda DDSI iyo Shacabka Degmada gaashaamo ay wadajir ugu xoojin lahaayeen Arrimaha Nabadgalyada Iyo Maamulka Suuban islamarkaana loo dhaqan galinlahaa saraynta sharciga iyo Sidii looga hortagi lahaa Kooxaha Caadeystay ka ganacsiga Kontorbaanka.

Sidookale waxaa isna dhankiisa hadalo muhiim ah ka soo jeediyay kulanka Wasiirka Xafiiska Arrimaha Bulshada DDSI  Mudane Axmed koore oo si balaadhan uga hadlay faa’iidooyinka nabadgalyada iyo horumarka xawliga ah ee deegaanka ka socda. Wuxuuna intaa kudaray in ay lagama maarmaantahay in degmo kasta dhankeeda ay ka adkayso horumarka, Nabadagalyada iyo Maamulka suuaban.

Dhanka kale Shacabka Degmada oo si wayn u soo dhaweeyey kulankan ayaa balan-qaaday in ay dhankooda ka ilaalinayaan kana hortagayaan waxkasta oo sharcidaro wada islamarkaana ay la shaqaynayaan xukuumada, iyo ciidamada kaladuwan ee deegaanka iyo dalkaba.

Ugu dembeyna Shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan oo Guul iyo farxadi ku dheehantahay. 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>