Gondher,(cakaaranews), Axad, 30ka April , 2017. Waxaa maanta si rasmiya ugu furmay magaalad gondher ee degaanka axmaarada xuskii 7aad ee todobaadka forumka magaalooyinka dalka oo ay sanadkan martigalinayso magaalada Gondher.
Furitaankii xuskan ayaa waxaa ka soo qaybglay masuuliyiinta ugu saraysa dalka oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha JDFI Mudane Dr Mulatu Teshome, Raysilwasaare ku xigeenka JDFI mudane Dhamaqe mukonon, wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr Ambachaw Mukonon, afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI mudane Abadhule Gamadhu, madaxwaynaha deegaanka axmaarada mudane Gedu Andargachew iyo masuuliyiin ka kala socoday 230 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalka oo ka qaybgalaya xuskan 7aad ee forumka todobaadka magaalooyinka dalka.
Xuskan oo sanadkan halku dhig looga dhigay" horumarka waara iyo maamulka suuban ee magaalooyinkeenu waa dib u curashadeena" ayaa waxaa si rasmiya furay madaxwaynaha JDFI mudane dr mulatu Teshome isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xuska todobaadka fooramka magaalooyinka dalka madaxwaynaha ayaa ka ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay dawlada dhexe u gashay hirgalinta siyaasadaha sagtarka horumarinta magaalooyinka dalkeena taasi oo kor loo qaatay isku dheeli tirka horumarka magaalooyinka iyo wax soo saarka beeralayda iyo xoolo dhaqato beeralayda iyada oo dalka itoobiya dajistay siyaasado lagu rabo ka mid noqoshada wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay si taasi loogu guulaystana uu sagtarka horumarinta magaalooyinka dalku la rabo in uu noqto mid xooga saara nidaamka wax soo saarka warshadaha islamarkaana ay magaalooyinka dalku noqdaan kuwo goobo fursado shaqo u abuuraya muwadiniinta dalka.
Dhankiisa wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr Ambachaw mokonnen oo ugu horayntii u hambalyeeyay magaalooyinka dalka ee ka soo qaybgalay xuskan todobaadka foomarka magaalooyinka dalka ayaa ayaa sheegay in xuskani yahay mid ahmiyada wayn u leh horumarinta magaalooyinka dalka wasiirka ayaa ka warbixiayay sida wax looga qabtay qorshihii horumarinta sagtarka magaalooyinka talka isaga oo tilamaamay in xuskani yahay mid looga goleeyay in magaalooyinka dalka isku dhaafsataan aqoon iswaydaarsi khibrad wadaag islamarkaana lagu gorfeeyo falanqaynta siyaasadaha horumarinta magaalooyinka dalkeena u dajisan.
Ugu danbayntii xuskan todobaadka magaalooyinka dalka oo si qurux badan uga furmay magaalada gondher ayaa waxaa deegaanka soomalida itoobiya uga qaybgalay 6 maamul magaalo ee DDSI iyo 24 magaalo oo laga soo kala xulay 11ka gobol ee DDSI waana tiradii ugu badnayd ee sanadkan ka qaybgasha xuska todobaadka fomarka magaalooyinka dalka taasi oo ku tusinaysa in deegaanka soomalida itoobiya xooga saaray hirgalinta qorshayaasha horumarinta magaalooyinka deegaanka waxayna inta uu socdo xuskani ku soo bandhigidoonaana waxqabadka magaalooyinka deegaanka iyo guulaha laga soo hooyay qorshayaasha u dajisan horumarinta magaalooyinka.