Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashaariicaha Waawayn Ee Waraabka

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews)Axad 30ka April 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo sii maray degmooyinka iyo qabaleeyada tirada badan ee ku teedsan wadada dheer ee laamiga udhexeeya jigjiga ilaa qabridahar ay kormeer indha indhayn ah kusii mareen biyogalinta qabalaha higlooley ee degmada dhagaxbuur looga soo jiiday ceelka riiga ah ee laga qoday tuulada galiil oo 50km ujirta, Iyagoo waftigu ugasii gudbay dhinaca magaalada dhagaxbuur oo ay qado kadib usii dhaafeen dhanka degmada birqod.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisa ayaa gaadhay goobtii laga fuliyay mashruuca wayn ee waraabka Baka oo uu madaxwaynuhu halkaa xadhiga kagajaray, Iyadoo mashruucani yahay mid qabanaya biyo gaadhaya 3000,000 (sedex boqol oo kun oo mk) islamarkaana laga isticmaalayo 10,000(toban kun oo mk)

Sidoo kale mashruucan oo leh 4 bond oo uu midkiiba qaadayo biyo gaadhaya 270kw oo mk oo uu midkamid ahi buuxsamay islamarkaana looga faaiidaysanayo dhulbeereed dhan 6000 oo higter ayaa waxaa  fuliyay wakaalada dhismaha jidadka ee DDSI kuna baxday miisaaniyad dhan 191 milyan oo birr, Waxaana ka faaiidaysan doona bulsho dhan boqol kun oo deegaanka ah.

Sidoo kale madaxwayne CMC ayaa xadhiga kajaray mashruuca wayn ee waraabka Goomaar oo leh 5 bond oo uu midkiiba qaadayo 270,000 oo mk oo sedex kamid ahi wakhtixaadirkan buuxsameen. Mashruucan oo looga faaiidaysanayo dhulbeereed dhan 9000 oo higter ayaa waxaa fuliyay wakaalada dhismaha, iibka iyo adeega gaarka ah booliska, Waxaana ku baxday hanti dhan 193 milyan oo birr. Iskudarka boondhiyada labadan mashruuc ee Baka iyo Goomaar oo ah 9 bond ayaa waxay qaadayaan 2,430,000 oo mk, waxayna wadarta miisaaniyada lagu dhisay ay dhantahay 384 milyan oo bir. Halka uu dhul beeraadka looga faaiidaysanayo uu gaadhayo 15,000 oo higter .

Waxaana hubaal ah in fulinta dhismayaasha mashaariicahan waawayn ee waraabka oo mudo sanad un laga joogo la dhagaxdhigayay ay yihiin taariikhda markii ugu horaysay abid deegaanka laga hirgaliyo noocooda islamarkaana taabagalintooda loo maray dhibaatooyin ba,an balse hogaaminta deegaanka oo marwalba ka go’antahay horumarinta bulshada xooladhaqatada ah kana seexan waayay saboolnimadka calaamada u ah xoolodhaqatada ay qorshayaal cilmiyaysan iyo tabo ay wadinayad, Xilkasnimo, Daacadnimo, Kalsooni aqoon iyo waayo aragnimo ku dheehantahay kaga gudbeen caqabadihii soo wajahay. Ugu danbayna guushan xadhig kajarka ah ee taariikhda galay kasoo hoyiyay.

Iskusoo wadaduuboo madaxwaynaha, Mas’uuliyiintii iyo odayaashii deegaanka oo bogaadiyay xadhig ka jarka mashaariicahan ayaa ilaahay uga mahad celiyay ugana shukrinaqay, Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu wakhti xaadirkan ku sugan yihiin magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>