Hudhet(Cakaaranews)Talaado 11ka April 2017. Waxaa maalintii 2aad galay qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmada hudhet iyo nawaaxigeeda iyadoo maalmahii ugu danbeeyayba laga waday howlaha bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha, Ayaa waxaa indhaha loo qalay bulsho tiradoodu dhantahay 93 qof halka 410 qof laga daawaayay indhaha tasoo wadartoodu tahay in 503 qof dib uheleen aragooda indhaha.
Hadaba qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada hudhet iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.
Geesta kale mid kamida hawlwadeenada adeegani ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah uu galay maalintiisii labaad islamarkaana loo adeegay bulsha dhan 503 qof oo isugu jira in ladaaweeyay iyo in qalniin lagu sameeyay Geesta kalena ay sidii loogu talagalay ilaa wakhti xaadirkani ay hawshu u socota.
Ugu danbayn mashruucan qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee deegaanka ayaa ah mid ku wareega degmooyinka deegaanka iyagoo wakhti xaadirkan ku sugan degmada hudhte ee gobolka dhaawa iyagoo oogasii gudbi doona degmooyinka kale ee deegaanka ee qorshaysan in laga fuliyo mashruucan.