Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Imtixaanka Tijaabada Ah (Model Exam) Oo Ka bilawday Dugsiyada Sare Ee Deegaanka

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Talaado, 11ka April, 2017. Waxaa maanta ka bilawday dugsiyada sare ee deegaanka gaar ahaan kuwa ku yaala maamulada magaalooyinka jigjiga, dhagaxbuur, qabridahar, goday iyo labada dugsi ee hoyga aqoonta jigiga iyo fiiq imtixaanka tijaabada ah ee fasalada 10aad iyo 12aadka.

Hadaba wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane maxamuud axmednuur  oo kormeer ku marayay dugsiyada sare ee maamulka magaalada jigjiga oo la hadlay warbaahinta DDSI ayaa ka warbixiyay imtixaankan maanta ka bilawday deegaanka, Isagoo sheegay in uu yahay imtixaankii ugu horeeyay ee uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada DDSI kaasi oo ah mid tijaabo ah ujeedadiisuna tahay mid kor loogu qaadayo fahanka natiijada ardayda ee imtixaanka heer qaran ee fasalada 10aad iyo 12aad ee sanadkan 2009TI iyo in la ogaado heerka aqoonta iyo tayada ardayda sanadkan galaysa imtixaanka heer qaran ee fasalada 10aad iyo 12aadka. Wuxuuna wasiir kuxigeenku intaa ku daray in imtixaankan koru qaadi doono garaadka waxbarasho ee ardayda islamarkaana uu natiijo wax ku ool ah ka keeni doono imtixaanadka heer qaran ee fooda inagusoo haya.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>