Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo KuSoo Laabtay Xarunta Deegaanka.

$
0
0


Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 10ka April 2017. Madaxwaynaha DD
SI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo socdaal dheer ku soo maray 6 gobol oo ka mid ah gobolada DDSI iyo degmooyinka hoosyimaada xadhigana ka jaray ilaa sagaal mashruuc oo horumarineed islamarkaana gaadhsiiyay bulshada abaaruhu saameeyeen deeqo isugu jira raashin, biyo, calafka xoolaha iyo dawooyinka dadka iyo duunyada soona darsay xaaladaha abaarta ayaa maanta dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga

Hadaba waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI oo xalay u hoyday xarunta gobolka jarar ee magaalada dhagaxbuur ayaa saaka kulan balaadhan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada dhagaxbuur waxaana kulankaasi lagaga hadlayay saamaynta xaaladaha abaaraha sidii looga gaashaaman lahaa iyo qorshayaasha horumarka, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in guud ahaanba deegaanka sanadkan laga hirgaliyay mashaariico horumarineed oo waawayn oo gashi u noqonaya bulshada DDSI islamarkaana loobahanyahay in laga faaiidaysto.

Kulankaasi ka dib waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar xadhiga ka jaray kuliyada farsamada gacanta magaalada dhagaxbuur oo ay hirgalisay xukuumada DDSI taas oo ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 81millyan oo birr, waxayna kuliyadani yeelan doontaa 12 waaxood oo lagu barandoona culuunta kala duwan. Madaxwaynaha DDSI oo xadhig ka jarkii kuliyadan kaga hadlay ay ahmiyada kulayadan  leedahay ayaa sheegay in ay tahay kuliyad ka duwan kuliyadihii hore ee deegaanka ahna kuliyada casriya oo leh jiif iyo cunto kana mid ah kuliyada dhiig joojinta saboolnimada qayb-wayna ka qabandoonta soo saaritaanka cudud aqooneed oo sii xoojisa qorshayaasha horumarka deegaanka Waxaa kale oo uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar maanta xadhiga ka jaray mashruuca biyo galinta Galiile, Cobale iyo Higlalay oo uu dhererkiisu dhanyahay 40KM mashruucaasi oo ay hirgalisay xukuumada DDSI ayaa ah mid ahmiyada balaadhan u leh bulshada ku dhaqan tuulooyinkaas Ugudanbayna waxayna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan dib ugu soo laabtay caasimada DDSI ee jigjig.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>