Hudhat (cakaaranews)Isniin 10ka April 2017. Qalitaanka iyo daawaynta indhaha oo looga faa’iidaynayo bulshada kudhaqan degmada hudhat ee gobolka Dhawa ayaa si rasmi ah uga bilaabatay xarunta degmada ee hudhat.
Hadaba, Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Hudhat ahna Madaxa Xafiiska Biyaha mudane Ibraahim Cilmi oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in sifiican oo hagar la’aan ah loo wado daawaynta iyo qalitaanka indhaha isagoo
Sidookale,Iskuduwaha kahortaga indha la’aanta ee Xafiiska Caafimaadka DDSI Dr Axmed Bade Ducaale oo furitaankii shaqadan lagu dawaynayo laguna qalayo bulshada kudhaqan degmada hudhat ee indhaha dhib kahaysto. Wuxuuna sheegay in ay ahmiyad balaadhan uleedahay XDSHSI ol-olohan qaliinka iyo daawaynta indhuhu. Wuxuuna xusay in dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaadka ee kooxdu ay si habsami leh u wadaan shaqada islamarkaana dad badan loo sameeyay daawayn sidookalana dad badan oo indho la’aa loo fiiqay indhihii.
Sidookale, dhankooda bulshadii kafaaiidaysanaysay oo dareenkooda kahadlay ayaa aad usoo dhaweeyay islamarkaana u mahadceliyay xukuumada DDSI iyo waliba dhakhaatiirtan hawsha loosoodiray.
Iskusoowada duuboo waxaa xusid mudan in ololohan qaliinka iyo daawaynta indhaha laga fuliyay degmooyin badan oo deegaanka ah islamarkaana indhaha loofiiqay waayeel badan oo indhaha aan waxba ka,arkaynin.