Jigjiga,(cakaaranews),Isniin, 10ka April, 2017. Waxaa maanta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiil-waal lagu soo dhaweeyay wasiirka ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka deegaanka axmaarada mudane. Asafe Balay oo ay ujeedada socdaalkiisu tahay in uu DDSI soo gaadhsiiyo deeq raashin ah oo dawlad deegaanka axmaaradu ugu talagashay in la gaadhsiiyo bulshada DDSI ee ku nool degmooyinka abaaruhu saameeyeen.
Waxaana, si meeqaam sare ah u soo dhaweeyay wasiirkan, masuuliyiin ka tirsan xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale iyo wasiir ku xigeenka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI ahna la taliyaha madaxwaynaha DDSI ee dhinaca bani’aadan-nimada iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah mudane Anwar Cali.
Deeqdan raashinka ah oo uu Wasiirka ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka deegaanka axmaarada mudane Asafe balay ka waday deegaanka axmaarada oo dhanayd 400 kiintaal ayaa waxaa lagu wareejiyay xafiiska ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka DDSI.
Ugu danbayntii dawlada deegaanka ahmaarada ayaa deeqtan raashinka ah oo kaliya aanay ahayd deeqaha ay soo gaadhiiyeen DDSI ee waxay hore DDSI ugu soo direen dhakhaatiir iyo xirfadlayaal caafimaad oo qayb-ka qaadanaya adeegyada caafimaadka ee la gaadhsiinayo bulshada DDSI ee ku nool degmooyinka abaaruhu saameeyeen kuwaasi oo ilaa wakhti-xaadirkan ku sugan DDSI