Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Mashruucyadii Waa waynaa Oo Gabagaboobay iyo Political leaderskii Dhamaystiray Oo ay Xukuumadu Amaan Usoo Jeedisay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 9ka April 2017. Sida lawada ogsoon yahay, waxay si rasmi ah xukuumadu udhamaystirtay 4tii mashruu ee waa waynaa ee waraabka ee kala ahaa : beka, goomaar, wijiwaaji iyo maraacaato oo dhamaantood shaqadii u bilaabay sidii ay xukuumadu uqorshaysay iyadoo ay dhamaan boondhiyadii loogu talagalay in biyaha lagu kaydiyo ay kubuuxsameen dhibicdii ugu horaysay ee roobka gu’ga ee kadaday galbeedka kore gaar ahaan meelaha ay kasoo bilaabmaan togaga faafan iyo jarar.

waxaana xusid mudan in 100% ay xukuumada deegaanku kuguulaysatay dhamaystirka iyo kashaqaysiinta mashaariicdani waawayn oo ah mid wax wayn kabadali doonta nolosha bulshada xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka islamarkaana ay kafaaiidaysan doonaan bulsho aad utiro badan isla-xili roobaadkan aan hada kujiro iyadoo xiligan xaadirka ahna lagu bilaabay beeristii, dhulkiina ladiyaariyay.

Hadaba mashaariicdan ayaa qiimayn iyo dabagal farabadan kadib ay xukuumadu go’aansatay inay kuqorto political leaders xul ah oo kalsooni buuxda lagu qabo inay dhamaystiraan mashaariicdan iyagoo qaadanaya mas’uuliyada dhamaystirka mashaariicahan.

Waxaana mas’uuliyiintan oo 100% shaqadii loo idmaday gutay ay xukuumadu u aqoonsatay halgamayaasha kuguulaystay dhamaystirka 4tan mashruuc ee waraabka ee kala ah: beka, goomaar,wijiwaaji iyo maraacaato iyadoo ay mas’uuliyiintani isugu jiraan political leaders, shirkadihii hawl- wadeenada ka ahaa iyo boardigii hogaaminayay qaab-socodka shaqada. waana kuwan listiga Mas’uuliyiinta ay xukuumadu u aqoonsatay dhamaystirayaasha mashaariicda waa wayn ee waraabka iyadoo mahad-naq aad u balaadhan ay xukuumadu usoo jeedisay iyadoo laga duulayo shaqadii ay kaqabteen mashaariicdani:

 

Political Leaders

1. Mudane Cumar Max’ed

2. Mudane Aadan Kuusaw

3. Mudane Nasradiin Canab

4. Mudane Axmed Koore

5. Mudane Kifaax Macalin

6. Mudane Cabdifataax Qabaase

7. Engineer Maxamed Yuusuf oo isagu bilaw ilaa dhamaad uga shaqeeyay mashaariicdan si ay kudheehan tahay xilkasnimo iyo wadaniyad islamarkaana aad ugu dadaalay dabagalka iyo qiimaynta tayada mashaariicda maadaama uu engineerku yahay maareeyaha wakaalada daraasaadka, dabagalka, naqshadaynta iyo kormeerka DDSI. Mas’uuliyiinta Shirkadaha Ee Sida daacada ah uga shaqeeyay kuna guulaystay mashaariicdan:

 

1. Mudane Cabdi Mahad Max’ed

2. Engineer Max’ed Yuusuf

3. Mudane Axmed Maki

4. Mudane Cabaas Xasan

Hadaba, mas’uuliyiintan ayaa dhamaantood mudadii ay xilkani hayeen si hagar la’aan ah uqabtay shaqada mashaariicdan habeen iyo maalinba.

 

Dhanka kale, waxay xukuumadu amaan aad ubalaadhan usoo jeedisay sheegtayna inay mudan yihiin in loo mahadceliyo xubnihii hogaaminta boardga SDGga gaar ahaan xubnihii 24ka saac kashaqaynayay sidii loo dhamaystiri lahaa mashaariicdan mar walbana lagarab taagnaa dabagalka, qiimaynta iyo taageero buuxda oo dhan walba ah. waana kuwan magacyada mas’uuliyiinta kumutaystay shaqadoodii in looga mahadceliyo:

 

Hogaaminta Boardga:

1. Marwo Fartuun Cabdi Mahdi- gudoomiyaha boardga

2. Mudane Suldaan Maxamed-gudoomiye kuxigeen

3. Mudane Deeq Cabdulaahi Buraale-xubin

4. Mudane Axmed Maxamed Cabdi iyo

5. Mudane Cabdi Mahad Maxamed Cabaase- oo mudadii uu ahaa maareeyaha shirkada dhismaha,iibka iyo adeegyada gaarka ah ee booliska DDSI shaqo aad ubalaadhan kaqabtay mashaariicdan

Sidoo kale, waxay xukuumadu arin aan marnaba lahilmaami karin kutilmaantay mahad-naqa hawl-wadeenadii(engineeradii) iyo shaqaalihii shirkadaha ee dhamaystiray mashaariicdan islamarkaana kuguulaystay inay nasiib iyo hal-adayg kusoo gaadheen mashaariicdan oo shaqadii ubilaabay sidii loogu talagalay iyadoo mashaariicdani ay yihiin mashaariico aad u waawayn ayay xukuumadu ugu talagashay in wax lagaga badalo nolosha dadka xoolo-dhaqatada ah islamarkaana looga faaiidaysto togaga dhaadheer ee sanadka intiisa badan socda. waxayna xukuumadu ay si buuxda ugu guulaysatay hirgalinta mashaariicdan taariikhiga ah iyadoo ay xusid mudan tahay inay xukuumadu mashaariicdan udhamaystirtay nooc kasta oo qalab ah ama dayactirka kanaalada looga baahan doono ama gashiga kaladuwan ee kale.

Iskusoo wada duuboo, xukuumada DDSI ayaa ah mid mar walba utaagan hindisaha iyo hirgalinta qorshayaal waxtar u ah shacabkeeda. kuwaas oo ay xukuumadu kufulinayso mudo gaaban gudaheed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>