Dhagaxbuur(Cakaaranews) Axad 9ka April 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo wali ku jira socdaalkii dheeraa ee ay ku marayeen qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka DDSI oo xalay u hoyday magaalada dhagaxmadow ayaa ka dib markii ay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dhagaxmadow waxay u soo ambabexeen dhinaca buundada korucelis ee degmada dhagaxmadow.
Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si rasmiya xadhiga uga jaray buundada korucelis oo laga hirgaliyay toga faafan taasi oo isku xidhaysa gobolada nogob , jarar iyo Erar gaar ahaana degmooyinka dhagaxmadow iyo dhagaxbuur. Waxaan dhismaha mashruuca buundadan hirgaliyay wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI.
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo xadhig ka jarkii buundadan ka dib la hadlay bulshada ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay buundadani isaga oo sheegay in ay markii hore dhibaatooyin badani ka haysan jireen isku socodka bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo gobolada jarar, Nobog iyo Erar. Madaxwaynaha ayaa sheegay hirgalinta buundadan maanta xadhiga laga jaray kaalin mug leh ka qaadanayso qorshayaasha horumarka iyo isku socodka bulshada.
Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka warbixiyay dareenkooda sida ay ugu faraxsan yihiin xadhig kajarka buundadan waxayna si wayn ugu mahad celiyeen xukuumada u hirgalisay iyaga oo sheegay dhibaatooyinkii ka haysan jiray dhinaca isku socodka bulshada.
Intaasi ka dib ayaa waxay wakhtigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI u soo ambabexeen dhinaca magaalada dhagaxbuur, waxayna soo mareen tuulooyin badan oo ay bulshada ku dhaqan gaadhsiinayeen raashinka noocyadiisa kala duwan iyo calafka xoolaha, Waftigan oo maanta soo galay magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar ayaa booqday mashaariico horumarineed oo laga hirgaliyay magaalada dhagaxbuur gaar ahaan mashruuca naaxinta xoolaha oo ay hirgalisay xukuumada DDSI. Waxayna madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo wakhti-xaadirkan ku sugan yihiin magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar.