Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MM Jigjiga Oo Talaalka Iyo Daawaynta Xoolaha Ka Fuliyay Tuulooyinka Hoosyimaada.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranws), Axad, 9ka April , 2017. Xafiiska beeraha, xoolaha iyo ilaalinta deegaanka ee maamulka magaalada jigjiga ayaa maanta ka fuliyay tuulooyinka hoosyimaada maamulka magaalada jigjiga  ol-olale isugu jira talaalka iyo daawaynta xoolaha oo lagaga hortagayo cudurada faafa ee  ku dhaca xoolaha.

Madaxada xafiiska beeraha, xoolaha iyo ilaalinta deegaanka ee maamulka magaalada jigjiga marwo Ayaan Maxamuud Cabdi oo goobtii uu talaalku ka socday kula hadashay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in tuulooyinka hoosyimaada maamulka magaalada jigjiga uu xafiisku ka bilaabay ol-olaha talaalka iyo daawaynta xoolaha oo uu fulinayo xafiiska beeraha, xoolaha iyo ilaalinta deegaanka ee mm jj. Waxayna tilmaantay marwo ayaan in xoolaha ku dhaqan tuulooyinkan la siinayo talaalka iyo daawaynta  ka hortaga  cudurada  faafa si ay xooluhu u noqdaan kuwa tayada caafimaadkoodu wanaagsan yahay.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee ku dhaqan tuulooyinkan lagu fulinayay ol-olaha talaalka iyo daawaynta xoolaha ayaa si wayn  u soo dhaweeyay kuwaasi oo u mahad naqay xafiiska soo gaadhsiiyay talaalka iyo daawaynta xoolaha oo  lagu xoojinayo tayada xoolahooda loogana daawaynayo cudurada faafa ee  ku dhaca xoolaha.     


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>