Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MM Godey Iyo Tababar Kusaabanaa Tacadiyada Kadhanka Ah Ee Jinsiga

$
0
0

Godey(Cakaaranews) Arbaco 12ka April 2017. Tababar ay kasoo qaybgaleen barayaal ka kala yimid qaarkamid ah degmooyinka gobolka shabeele, MM godey, MM qabridahar,MM dhagaxbuur iyo degmada qabridahar islamarkaana ay ujeedadiisu ahayd  kahortaga tacadiyada kadhanka ee jinsiga ee ka dhaca dugsiyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qorshaha SIP ayaa ka qabsoomay mm godey.

Hadaba khabiirka taakulaynta kormeerka dugsiyada sare ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdiwali Axmedyaasiin oo kawarbixiyay ujeedada tababarkan ayaa sheegay inuu tababarkan uu yahay mid lagaga hortagayo tacadiyada kadhanka ee jinsiga ee ka dhaca dugsiyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qorshaha horumarinta dugsiyada, Sidoo kale wuxuu khabiirku intaa ku daray in tababarkan  xooga lagu saarayo sidii qorshaha sedexda sano ee barnaamijka kobcinta dugsiyada loogu dari lahaa howlo ku saabsan genderka.

Ugudanbayna khabiirka ayaa xusay inuu tababarkan socondoono mudo 3 maalmood ah islamarkaana uu wax wayn ka qaban doono arrimaha la xidhiidha tacadiyada kadhanka ah ee ee jinsiga ee ka dhaca dugsiyada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>