jigjiga,(cakaaranews),Arbaca, 5ta April, 2017. Madaxa xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka Dabiiciga ah ee Degmada Koonfurta Jigjiga Marwo Faaduma Nuur Barkhad oo xafiiskeeda ugu waramasay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegtay in wakhtixaadirkan lagu jiro bilowgii xili-roobaadka gu’ga islamarkaana loo baahan yahay in ay bulshadu xooga saarto dhinaca tacabka wax soo saarka beeraha.
waxayna, marwo faadumo ugu baaqday shacabka ku dhaqan degmada koonfurta jigjiga in ay ka faa’iidaystaan xili-roobaadka oo ay dhulka ku foorarsadaan, xoogana saaraan sidii ay u abuurilahaayeen/beerilahaayeen midhaha wax soo saarka dalaga noocyadooda kala duwan. Kaasi oo gaashaan uga noqonaya shacabka cuno-yaraanta iyo abaaraha soo wajihi kara. Marwo faaduma Nuur ayaa intaasi ku dartay in xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee degmada koonfurta jigjiga gaadhsiinayo shacabka ku dhaqan degmada midhaha xulka abuurka beeraha noocyadiisa kala duwan ee ay xukuumada DDSI ugu talagashay in la gaadhsiiyo bulshada.
isku soo wada duub oo xukuumada DDSI ayaa qorshayaasha lagaga baxayo saboolnimada laguna gaadhaya wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay sal uga dhigay xoojinta wax soo saarka beeraha taasi oo hab-casriya loogaga faa’iidaynayo bulshada nidaamka wax soo saarka beeraha, waxaana xiligan lagu guda jiraa bilowgii xili-roobaadka gu’ga taasi oo lagaga faa’iidaysanayo wax-soo saarka beeraha.